Isbahaysiga Mucaaradka Oo Ku Dhawaaqay Qabashada Shir Tallo Qaran Ah Iyo Xukuumadda Oo Hanjabaad Kaga Jawaabtay, Hoteeladana Digniin U Dirtay

0
529

mucaaridHargeysa (Geeska)-Labada Xisbi Mucaarad iyo Madasha Wada-tashiga ayaa ku dhawaaqay inay qaban doonaan Shir Qaran oo ka dhan ah Xukuumadda, waxayna sheegeen in Shirweynahani dulucdiisu tahay sidii ay uga arinsan lahaayeen Xukuumaddan oo ay tilmaameen in muddo xileedkeedii uu ku eeg yahay 27/7/2015, oo ah wakhtigii loo dhaariyey Madaxweyne Axmed Siillaanyo xilka Madaxweynaha Shan Sanno ka hor, waxayna sheegeen inay Xukuumaddu ku fashilantay qabsoomida Doorashada, ilaalinta Cadaalada, iyo Dimuqraadiyadii iyo inay sidoo kale kaga baxday heshiiskii ay la gaadhay Axsaabta Mucaaradka.   Isbahaysiga Mucaaradka oo si wada jir ah Shir jaraa’iid u qabtay, ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan Cirro), oo  halkaas ka hadlay ayaa ka waramay sababta ay u qabanayaan Shirkan Qaran, waxaanu xusay inay Xukuumaddu ka baxday isla markaana ay fulin weyday heshiiskii ay la gashay Xisbiyada Mucaaradka, waxaanu sidoo kale tilmaamay muddo xileedkii Xukuumaddu inuu gabaabsi yahay, isla markaana uu jiro wer wer badani, oo dhinaca Siyaasada, Amniga iyo Dhaqaalaha, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay“Waxaanay Axsaabtu xaq u leeyihiin Umadduna u leedahay inay tashato,  madama aanay Xukuumaddu  fulin kana baxday heshiiskii Axsaabta,  madaama Xukuumaddu u muuqato mid aan diyaar u ahayn inay Doorasho dalka ka qabato, madaama uu muddo xileedkeedii uu gabaabsi yahay, Wadankana uu jiro wer wer badani, oo ah mid Siyaasadeed, mid Dhaqaale, mid Amni, sidaas darteed waxa Umadda iyo Axsaabtaba in loo bahaan yahay  la helo talo Umaddeed, oo lagaga baxo xaaladan lagu jiro,  sidaas daraateed xeer u diiday ama sharci u diiday inay Axsaabtu shirto, ”. Dhanka kale  Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Gure Jaamac, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in si kastaba uu Shirku u qabsoomayo, Xukuumaddana aanay u joojinayn haddii ay neceb tahay iyo haddii ay jeceshayba, waxaanu yidhi “Shirkani uu qabsoomaya haddii ay jeceshay iyo haddii ay neceb tahayba, haddii ay cududi timaado tii Siyaasad Bareba socon weyday cududiisi, cudud soconaysaana ma jirto, cidii taas qabtaana candhuufteeda dib ha u liqdo,  Lexe-jeclo ayaa intaas na haysay, Wadanka ayaa lexe-jeclo badani naga haysaa, dadka ayey lexe-jeclo badani naga haysaa, anagu dalka ayaanu leenahay, ka shaqaysan mayno umaanu iman mana ujeedno in aanu ka shaqaysano, in aanu kursi ku haysanana umaanu dagaalamin,  umana socono, waxa aanu u soconaa in Dimuqraadiyada iyo Cadaaladu inay socoto, taladda dalka muddo ayaa la siiyey Madaxweynaha Maanta taladda haya, muddadii wey ka dhammaatay, intii hore il dabaale yar ayaa jirtoo, malaa Beri ayuu qaban doonaa ee yara dayaa, waxa aanu gaadhnay wakhti ay dhammaatay muddadii aynu isku ogeyn. Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga ayaa mar uu la hadlaayey Madaxweynaha waxa uu yidhi “Waxa aan hore anigu u idhi 27-ka haddii ay gaadho aniga iyo Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), taladda ma kala xigno, isaga muddo ayaa hore loo doortay, 27-ka marka la gaadho wakhtigii la doortay maaha, Madaxweyanaha wey ka dhammaatay”.  Dhinaca kale Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo isna halkaas ka hadlay ayaa nuxurk, dulucda, ujeedada iyo wakhtiga la qabanayo Shirweynaha Qaran ka warbixiyey.