Maalqabeenka Adduunka Bill Gates Ayaa Sheegay In Hal Qalad Oo Uu Sameeyey Uu Ku Waayey $400 Oo Bilyan

0
985

Washington (Geeska)- Maalqabeenka aasaasay shirkadda Microsoft, Mudane Bill Gates ayaa waraysi uu dhowaan bixiyey ku sheegay in qaladkii ugu weynaa ee uu galay uu ahaa in uu shirkadda kale ee Google fursad u siiyey in ay samayso barnaamijka ‘Android’ oo uu isagu fursaddaas iska dayaco. Waxa aanu sheegay in qaladkaas awgii uu ku khasaaray lacag uu ku qiyaasayo 400 oo bilyan oo doolarka Maraykanka ah.

Sida lagu sheegay warbixin ay arrintan ka samaysay shabakadda wararka ee Alcarabiya, shirkadda Microsoft oo caan ku ah barnaamijka nidaamka ‘Windows’ ayaa la aaminsan yahay in dhaqaale ahaan iyo waayo-aragnimo ahaanba ay awoodaysay in ay ka faa’iidaysato samaynta bilowgii samayta taleefannada gacanta ee casriga ah oo ay soo saarto barnaamijyo shirkaduhu ka iibsadaan, laakiin doodaha ugu badan ee arrintan laga sheegaa waxa ay eedda sari jireen agaasimaha shirkadda ee waqtiyadaas oo ahaa Steve Moor, maadaama oo ay dad badani aaminsanaayeen in Bill Gates uu yahay nin aan dhayal ku dayici Karin fursadaha. Laakiin qiraalkiisa hadda ayaa dooddaas soo xidhay.

Shirkadda Microsoft oo beri dambe ku baraarugtay muhiimadda taleefananda gacanta iyo barnaamijyada ay ku shaqaynayaan, ayaa isku dayday in ay suuqa cidhiidhsato waxa aanay soo saartay barnamaijyadii ‘Windows Mobile’ iyo ‘Windows Phone’ oo kala dambeeyey laakiin labada faraha ayaa ay ka qaadday kaddib markii uu suuqyada taleefannada Casriga ah meel ka waayey talefan ay soo saartay sannadkii 2010 ka oo ay rabtay in barnaamijkeeda uu ku shaqeeyo. Sannadkii 2017 kii ayaanay shirkadda Microsoft ka baxday suuqa taleefannada casriga ah.

Shirkadda Google ayaa sannadkii 2005 nidaamka Android ka ku iibsatay 50 Milyan oo doolar, si ay u sii horumariso kaddibna suuqa ka shaqaysiinta talefannada gacanta u qabsato, arrintaas oo ay si weyn ugu guulaysatay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here