Wadaad Falastiini Ah Oo Garaacis Ku Dilay Gabadh Yar Oo Uu Sheegay In Uu Jin Ka Saarayo

0
829

Ramallah (Geeska)- Gabadh yar oo u dhalatay dalka Falastiin ayaa u dhimatay sababta nabarro uu gaadhsiiyey wadaad sheegay in uu jin ka saarayo, kaddib markii sida la sheegay uu adeegsaday awood aanay qaadi karin.

Afhayeenka bilayska Falastiiniyiinta oo lagu magacaabo Lu’ay Sariiqaat, ayaa sheegay in qoyska inantan yar oo 16 sano jir ahayd, ay wadaadkan oo lagula taliyey u geeyeen si uu uga daweeyo xaaladdan jinka loogu sheegay.

Wadaadkan oo la keenay guriga inanta yar aad u garaacay, markii qoysku ay weydiiyeen xalka uu arrintan ka gaadhayana u sheegay in afar jin oo ku jiray uu laba ka mid ah saaray, laakiin kii afaraad uu ka dhego adaygayo in uu baxo, sidaa awgeed uu ku qasban yahay in uu sii kordhiyo garaacista uu ku sameynayey inanta yar.

Warkan oo ay faafisay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa intaas ku daraya in, garaacistaas oo uu wadaadku muddo waday ayaana sababtay in ugu dambayntii inantii yarayd oo uu weli garaacayaa ay geeriyooto. Bilayska ayaa soo qabtay wadaadka, waxaana la horgeyn doonaa maxkamad ka garnaqda dacwad lagu soo oogay oo dil ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here