Ku Socota Waalidka: Ilmaahaagu Waxa Uu U Baahan Yahay Maalintii In Uu Shan Jeer Wax Cuno!

0
768

Berlin (Geeska)- Xeeldheere dhinaca nafaqada ah oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa sheegtay in carruurtu ay u baahan yihiin in ay cunto cunaan shan xilli maalintii. Xeeldheere Evonne Knipes waxa ay sheegtay in sababtu ay tahay habdhiska dheefsiga iyo ka faa’iidaysiga cuntada ee jidhka ilmuhu ku samaynayo cuntada soo gasho oo aad u sarraysa, iyo sida oo kale calooshooda oo yar oo mar keliya aan cunto badan wada qaadi Karin ay sabab u noqdaan in ay ku filnaan weydo tamarta uu ka helayo cuntada haddii uu saddex xilli cunto oo keliya helo.

Xeeldheeruhu waxa uu sheegay in saddex xilli cunto oo waaweyn iyo laba dhextaal ah in uu ilmuhu helaa ay yihiin arrin muhiim u ah caafimaadkiisa. Labada cunto ee dhextaalka aynu ku sheegnay ama cuwaaf / nusuaace dadka qaar u yaqaannaan ayaa fiican in ay noqdaan khudradda noocyadeeda iyo midho.

Quraacda

Shabakadda Aljazeera ayaa xeeldheerahan Jarmalka ah ka soo xitay in guud ahaan quraacdu ay muhiim u tahay caafimaadka dadka, carruurtana ay muhiimad weyn oo gaar ah u leedahay, waayo waxa ay u baahan yihiin tamar ku filan oo ay u isticmaalaan ciyaarta iyo raacashada casharada waxbarasho.

Iyada oo sida oo kalana dadka waaweyn kula talisay in ay duhurkii inta qadada iyo quraacda u dhexeysa ay helaan cunto fudud. Ama ugu yaraan in uu helo koob sharaab ama caano ah, si uu uga hortago in dhugmadu ka lunto iyo in uu daal jidheed iyo maskaxeed oo badan dareemo.

Margaret Morlo oo iyaduna ah khabiir oo ku xeeldheer nafaqaynta ayaa sheegtay in quraacda qofku ay noqon karto khubus lagu daray malab iyo caano fadhi “Cheese” ama cuntada firiga leh iyo khudrad.

Morlo waxa ay intaas ku dartay in ay fiican tahay qofku uu hilibka cuno toddobaadkii laba ama saddex goor, kalluunkana ugu yaraan hal mar tododbaadkii. Waxa kale oo ay ku talisay in laga dheeraado cunista sonkorta laguna beddelo khudradaha kale ee ingagan ee macaanka leh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here