Maalqabeen Dunida Maanta Caan Ka Ah Oo Bilowgii Noloshooda Ahaa Budhcadda Internet Ka

0
1371

Washington (Geeska)- Inta badan guusha iyo horumarka uu qofku gaadhaa waxa ay daaha saartaa ceebihii hore ee noloshiisa. Caadi ahaanna dadku marka ay qofka maalqabeenka ah ama magaca leh arkaan waqti badan kuma lumiyaan in ay wax ka ogaadaan taariikh nololeedkii hore ee qofka iyo sida uu u dhaqmi jiray intii aanu caanka noqon, ama waxaaba dhici karta in qofka isku mashquuliya in uu ogaado taariikhdaas ay ku adag tahay in uu helo wax taban oo isaga khuseeya. Waxaa jira maalqabeenno, jilayaal aflaamta caan ku ah iyo xiddigo caan ku ah qaybaha kala duwan ee nolosha oo guushan ay gaadheen ay dadka illowsiisay bilowgoodii, halkii ay ganacsiga ka bilaabeen iyo dhaqannada ganacsi ee foosha xun ee ay ku kaceen, kaalinta liidata ee ay filimada qaar ka qaateen ama qaarkood oo jili jirayba filimada dhaqan xumada ah. Geeska Afrika waxa uu qormadan si kooban ugu soo bandhigayaa qaar ka mid ah maalqabeenka dunida maanta caanka ka ah iyo qaabkii foosha xumaa ee ay noloshoodu ku soo bilaabatay:

Bill Gates Shaqadaa laga eryey:

1. William Henry oo caan ku ah Bill Gates waa ganacsade maalqabeen ah, maal-gashade dunida caan ka ah iyo soo saare barnaamijyada Kombiyuutarka ah. Gates Maraykan dhashay sannadkii 1955, waa aas-aasaha iyo agaasimihii fulinta iyo guddoomiyihii hore ee shirkadda caanka ah ee Microsoft, oo ah shirkadda dunida ugu weyn ee soo saarta barnaamijyada ay ku shaqeeyaan kombiyuutarradu.

Bill Gates oo ay shirkaddan wada aas-aaseen Paul Allen oo aan isagu sidiisa caan u ahayn, laga soo bilaabo sannadkii 1995kii illaa 2009kii waxa u si is-daba-joog ah kaalinta koowaad ugu jiray liiska ay majaladda caalamiga ah ee Forbes sannad kasta ku soo bandhigto magacyada dadka ugu maaqlabeensan dunida, marka laga reebo sannadkii 2008da oo uu kaalinta saddexaad galay. Sannadkii 2011ka waxa uu ahaa qofka labaad, sannadkii 2013ka ayaanu mar kale noqday ruuxa ugu maalqabeensan dunida, in kasta oo sannadkan 2014ka uu kaalintaas ka qaaday maalqabeenka reer Mexico ee isirkiisa hore Carabta ka soo jeedo Carlos Saliim. 

Bill Gates waxa uu ka mid yahay dadka dunida ugu caansan dhinaca caawimada waxa aanu lacago aad u badan ku bixiyaa hawlaha samofalka ee la xidhiidha caafimaadka dunida saddexaad, kadib markii uu sannadkii 2000 aas-aasay urur samofal oo uu u bixiyey magaciisa iyo ka xaaskiisa oo isku ladhan (Bill & Melinda Gates Foundation). Haddaba haddii aynu mar keliya ku war helnay Bill Gates oo ah shakhsiyaadka dunida ugu caansan, uguna sumcadda fiican, bal aynu in yar dul istaagno taariikh nololeedkiisa hore si aynu u ogaano in uu sidan ka beddelnaa iyo in kale:

Bill Gates waa 58 jir hantidiisu gaadhay 76 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah, laakiin noloshiisii dhinaca xirfaddu waxa ay ku bilaabatay in uu ahaa budhcad jabsada internet ka.

Dabayaqaadii Lixdamaadkii waxa uu ka shaqaynayey shirkadda C-Cubed oo samaysa barnaamijyada uu kombiyuutarku ku shaqeeyo, laakiin waxa ay sumcaddiisu dhulka gashay markii uu xaday furihii sirta ahaa (Password) ee masuulkii qaybta kombiyuutarka ee xaruntiisu ahayd magaalada Seattle, kadibna uu baadhay ama u dhacay xogtii dadka isticmaalayey kombiyuutarkan. Markii la ogaaday ceebta uu sameeyey Bill Gates ayaa si dhaqso ah shirkadda looga eryey. Laakiin taasi kama ay reebin go’aankiisii ahaa in uu ka gun gaadho samaynta barnaamijyada kombiyuutarka waxa aanay aakhirkii ku hoggaamisay in isaga iyo Paul Allen ay sannadkii 1975kii dhiseen shirkadda weli la loodin la’ yahay ee Microsoft oo ah tan maanta ugu weyn dunida oo dhan dhinaca samaynta barnaamijyada kombiyuutarka.

2. Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in Bill Gates markii uu xadayey furayaasha sirta ah qofka caawinayey uu ahaa saaxiibkii Paul Allen oo isaguna maanta ah maalqabeen raasamaalkiisu dhan yahay 15.9 Bilyan. Bill Gates waa lagu qabtay ficilkaas budhcadda kombiyuutarka ah, waana lagu ciqaabay sida aynu soo sheegnay oo shaqadii ayaa uu ku waayey, laakiin Paul Allen cidi ma’ay ogaan oo waa uu sii waday budhcadnimadii uu kula baxayey xogta ku jirta kombiyuutarrada dadka kaleiiyada oo ujeedadiisu ahayd in uu garto waxa ay shirkaddan uu ka shaqeeyaa la gaar tahay iyo sirteeda shaqo iyo dhisem, taas oo uu si buuxda u daraaseeyey, lana aaminsan yahay in waayo-aragnimadii uu ku helay tuugadaasi ay wax badan ka caawisay markii ay shirkadda samaysteen isaga iyo saaxiibkii. La soco, maalqabeenno kale…