Dhallinyaro Taageero U Muujisay Maayarka Caasimadda Hargeysa

0
654

Hargeysa (Geeska)-Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta,Wax-garadka,Aqoon yahano iyo Dhalinyarada reer Somaliland ayaa taageero iyo kalsooni u muujiyey Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan Solteco), waxayna sheegeen in muddadii uu ahaa Maayarka Caasimadda uu wax badan qabtay, horumarna uu ku sameeyey bilicdii iyo hagaajintii Magaalada dhexdeeda.

Siyaasiyiintan,Wax-garadkan,Aqoon yahanadan  iyo Dhalinyaradan oo Shalay Shir jara’iid ku qabtay Xaraf Hotel ayaa waxa ay sidoo kale Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimadda ugu baaqeen in wixii khilaaf ah ee soo kala dhex gala ay dhexdooda ka xaliyaan, banaankana aanay u soo saarin, 

Axmed Xaaji Cabdilaahi oo isagu  ugu Horayn Shirkaas Jaraa’id ka hadlay Ayaa waxa uu yidhi “Halkan waxaanu iskugu Nimid inaanu Tageero Balaadhan Siino Maayarka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Solteco oo ah Nin Dhalinyaro ah,sida aynu wada ogsoonahay Wax Qabadka Balaadhan ee uu Muujiyay Maayarku Mudadii Uu Xilka hayay Waxa Halkan lagu soo Koobi Karo Maaha ,Maalin dhawayd waxa dhacaday inuu Gubtay guri aniga ii dhawi,Markii dab-damiska Ciidanka Ayaa soo gaadhay waana ay bakhtiyeen,taasi waa guulaha uu gaadhay.    Waxa u dhisay Maayarku Waddooyin Aad u badan oo sawaxankii Gawaadhida kala yareeyay Arinkaasina waa in lagu amaano,Qofka Bil-aadamkii wuu khaldami karaa waxa uu u baahan yahay in la toosiyo,Hadii lakiin La sii kala rido isna waxba qaban maayo,Bulshadana waxba u qaban maayo,lakiin arinka meesha yaal waxa weeyaan in la tageero,Maayar kale oo la doortaana Yaanay Jirin.

Cabdi Risaaq Suudi Nuur oo ka mid ah Aqoonyahanada iyo Qoraayaasha Somaliland ahna Musharax Golaha Wakiilada,  ee Doorashada 2015Ka ayaa isna Xildhibaanada Golaha Degaanka Caasimada Somaliland waxa uu u soo jeediyay in Gudahood ku dhamaystaan Wixii Khilaaf ah ee dhexdooda Soo gala waxaana uu yidhi “Labadaas Sanno ee Golaha Deegaanku jira waxa u qabsoomay Horumar Lataaban Karo,Hadii Saddexda u hadhayna Car-qalad La galiyo Waxaan Odhan Karaa waxba uma qabsoomi Doonaan,Lakiin waxaad Moodaa In Faro Galin kale meel kale kaga Socoto,ama reer ha Noqoto ama Xildhibaano ha noqotee,Markaas waxaan odhan lahaa Maayarku Intii uu Xilka hayay wuu dadaalay haddii uu wax dhimayna waxa fiican in la toosiyo,lakiin hadii la yidhaa Xilka ayaanu kaa qaadaynaa ma fiican,Jiciir waxa uu hayay Xilka Tobankii Sanaba,marna Xilka lagama qaadin,kana waxa qurux badan inuu Xilkisa dhamaysto,wixi ka khadlana loo hagaajiyo. Aqoon yahan Axmed Aadan Haybe oo isan Shirkaas Jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu yidhi”Shalay ayay ahayd Markii Xildhibaanadu Dhammaan uwada codeyeen Maayarka Caasimada,Maanta waxa ay leeyihiin Xilka ayaanu ka qaadaynaa,Waxaasi wax soconaya Maaha,Maayarku waa maayar waxqabad Lakiin maaha Maayar Waxuun iska Cuna,waxaanam Xildhibaanada leeyahay Maayarka Idinkaa Doortee Sax uun.

Garaad Cabdi Risaaq Daahir oo isna ku hadlayay Magac dhalinyarada Dagmada Hargaysa waxa uu yidhi”Waanu Leenahay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Idiimaan dooran inaad is qabsataan,Lakiin waxaanu idiin Dooranay inaad Maayarka iyo Ku xigeenkiisa ku Tageertaan waxqabadka ay bulshada u fidiyaan,Dhamaan Garoonadii Magaalada hargaysa wuu qurux bad-naysiiyay waxaana uu dhamaantood Dhigay Qalab Aad u sareeya,waxaana odhalahaa Maanta Cid Wax qabatay isaga ayaa ugu badane Dadaalkiisa halkaas ha kasii wadee ka daaya Qorsha Qorshaynta.

Hadalka kasoo Yeedhay Siyaasiyiinta Iyo Dhalinyarada Magaalada Hargaysa ayaa waxa uu kusoo beegmayaa, Markii Xildhibaano Badan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargaysa ay shaaciyeen in Xilka ka qaadayaan Maayarka Caasimada kuwaas oo ku sifeeyey waxqabad la’aan ka timid Maayarka Caasimadda.