Dhagax Si Mucjiso Ah U Dul Saran Dhagax Kale

0
1448

Riyaad (Geeska)- Cidhifka Woqooyi ee toga Qanuuna oo mara magaalada barakaysan Makkah Al-Mukarramah ee dalka Sucuudiga waxa yaalla dhaxag aad u weyn oo u dhisan qaab mucjiso ah. Dhagaxani waxa uu si yaab leh u dul saaran yahay dhagax kale, dadka deegaankuna waxa ay u yaqaannaan Sakhrat Aljunuub ama dhadhaabta koonfureed.

Sida ka muuqata sawirka waxa uu dhagaxani dhagaxa u dul saaran yahay kaga fadhiya cidhif yar oo cabbirkiisu yahay 17 Sentimitir oo keliya. Waxaana is weydiin badan keenay sida mucjisada ah ee dhagaxani uu muddo qarniyo ah ugu adkaysanayey in aanu ka soo dhicin dhagaxan inta yar ka haysto, iyada oo deegaankaas ay ka dhaceen dhacdooyin badan oo dhinaca dabeecadda ah sida duufaanno, roobab ma hiiggaanno ah, qorrax aad u kulul iwm oo wax yeellaysay dhagxaan kale oo iyagu si kan ka sal ballaadhan dhulka ugu rakibnaa.