Muddaynta Waqtiga Diiwaangelinta Cobixiyeyaasha Ee Uu Komishanku Shaaciyey Oo Ay Ku Caddahay Dib U Dhaca Doorashooyinku Iyo Aragtida Mucaaradka

0
495

doorashooyinkaHargeysa(Geeska):- Komishanka doorashooyinka qaranka ee Somaliland, ayaa shalay shaaciyey qorshe hawleedkii diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si dadban u caddanaya dib u dhaca ku imanaya doorashooyinka madaxtooyada iyo haddii la isku daro baarlamanka oo marka hore qorshaysnaa in ay qabsoomaan 26ka Juun ee sannadkan.

Komishanka Doorashooyinku waxa uu sheegeen in laga bilaabo shalay ay hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaashu socon doonto muddo ku siman Sagaal bilood  oo soo socda, iyaga oo carabka ku dhuftay in diiwaan galinta codbixiyeyaashu ay si rasmi ah u bilaabmayso bisha Jully ama bisha ramadaan ka dib. Waxaana ay tilmaameen in go’aankani yahay mid ay isla qaateen saddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinkuba.

Afhayeenka komishanka doorashooyinka Qaranka ee Somaliland Md. Siciid Cali Muuse, ayaa hadalkan warbaahinta u sheegay, kadib kulan ay si wada jir ah u yeesheen komishanka doorashooyinka iyo saddexda xisbi qaran, waxa uu sheegay in wakhtiga ay u qorsheeyeen in diiwaangalinta codbixiyeyaashu ay ku qabsoonta aanu ahayn mid kama danbays ah balse uu yahay wakhti ay saadaaliyeen in ay hawshu sidaas ku qabsoomayso.

"Arrinta aad meesha u taagan tihiin oo ah wakhtiga doorashada. annagu doorashada ka hadli mayno ee sida aanu ka hadalnay diiwaan gelinta ayaanu idiin sheegaynaa, diiwaan gelinta haddii Eebe idmo waxaa ay bilaaban doonta Ramadaan ka bacdi, waxaanu isla garanay xisbiyada in aan Ramadaan la shaqayn karin, sidaas darteedna waxaa ay bilaabmaysaa bisha Jully aakhirkeeda amaba marka ay Ramadaan dhamaato, laakiin hawsha komishanka doorashooyinku ma' aha mid halkaa ka bilaabanaysa ee waa ay soconaysaa, annagu Ramadaan waanu shaqaynaynaa waxaanu tegaynaa degmooyinka iyo gobalada, hawshana waanu wadaynaa, wakhtigaas aanu idiin sheegayna waa Ramadan ka bacdi oo ay bilaab mayso diiwaan galinta, Afar bilood ayaan ay soconaysaa diiwaan galintu, waxaa ku xigi doona bil iyaduna ah bishii wax la kala saar saarayey oo dadka iyo qalabka iyo waxii la diiwaan galiyey oo dhami ay halkan ku iman doonaan oo la hubin doono farsamadeeda, taana faahfaahinteeda ma rabo in aan hada u galo, laakiin waxa weeye wakhtigaas ayey iyaduna dhamaan doonta” ayaa uu yidhi Md. Siciid cali Muuse oo intaas ku sii daray, “Wakhtigan aan idiin sheegayo ee aan idin leeyahay wakhtigaas ayey bilaabmaysaa dhamaanaysaana runtii maaha wakhti rasmiya oo kama danbays ah, waxa weeye wakhti aanu odorosnay oo saadaalinay in ay hawshu sidaas u bilaab mayso. Annagu kuma odhanayno doorashadii dib ayey u dhacday, waxa aan annagu ka hadlaynaa waa diiwaan gelin."

Arragtida xisbiyada qaranka

UCID:

Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Md. Cabdinaasir Yuusuf Qodax, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ay ka xisbi ahaan ku kalsoon yihiin qorshaha ay komishanka doorashooyinku ku qabanayaan diiwaan galinta codbixiyeyaasha, waxaana uu sheegay in aanay doorashadu qabsoomayn 26ka Juun balse xisbiyada mucaaradka iyo madasha wada-tashigu ay hore uga yeesheen talo midaysan isla mar ahaantaana talo qaran laysagu iman doono waxa laga yeelayo.

"Waxa weeyaan horta komishanka doorashooyinka qaranka hawl culus ayaa saaran, in ay diiwaan galinta iyo doorashooyinka qabtaan ayaa laga sugayaa, muddona waa aanu kala shaqaynaynay in ay arrimahaasi qabsoomaan. Hada waxaanu isla dhamaynay arrintii farsamada ahayd ee diiwaan galinta, sidaas ay idiin sheegeena runtii waanu la qaadanay, waanan ku kalsoonahay, waxaana aanu waliba u soo jeedinaynaa in aanu hadda wakhtiga aanu isla dhamaynay hadda ee aanu isla saxnay ee Sagaalkan bilood ee ay hada qabteena ay ku dhamayn doonaan. Doorashadu waa ay cadahay in aanay 26 Juun qabsoomahayn, waxii aanu ka yeeli lahayna waa nagii gudida u  saarnay annaga (UCID) iyo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo Madasha wada-tashigu.".Ayuu yidhi Cabdinaasi Yuusuf Qodax.

WADDANI:

Xoghayaha qorshaynta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa waxaa uu tilmaamay in haddii ay doorashadu dhici weydo 26ka Juun ay isagu iman doonaan talo qaran, qorshahan komishanku ku dhawaaqayna aanu taas waxba ka khusayn ee uu ku kooban yahay qorshe-hawleedkooda shaqo.

"Qaranku ma’aha Komishanka doorashooyinka oo qudha, qaranku komishanka waa uu ka balaadhan yahay, komishanku hawshoodii ayaa ay noo sheegeen oo ay qabsanayaan. 26ka Juun, Talo qaran ayaa Qarankan u taala haddii ay doorashadu 26-ka Juun dhici waydo, talo qaranna waa laga' galayaa." Ayuu yidhi Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali.

Dhinaca kalana xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa soo dhoweeyey qorshe-hawleedkan Komishanka, waxa aanu hoosta ka xariiqay in xisbigu diyaar u yahay doorashada waqti kasta oo ay Komishanka Doorashooyinku u qoondeeyaan. Guddoomiyaha golaha dhaxe ee xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Md. Jaamac Shabeel oo halkaasi ka hadlay ayaa si aad ah u  soo dhaweeyey go’aanka ay soo saareen komishanka doorashooyinka qaranku.

"Doorasho kasta waxa arbusha waa diiwaan galinta, maanta komishanku waxa uu ku talalabsaday talaabo aad u wanaagsan oo aan mar uun rajaynaayo in ay dhaxal reebto oo mar uun laga gudbo sheekadan diiwaan galinta oo doorashada loo gudbo, haddii maanta qorshaha sidaas ay u dhigeen ay u dhacdo waxaan filayaa in doorasho danbe oo wakhtigeeda dib uga dhici doonta aanay jiri doonin" 

Gunaanad

Bilihii u dambeeyey waxaa jiray doodo siyaasi ah oo la xidhiidha in doorashadu waqtigeeda ku qabsoomi karto, xisbiyada mucaaradka iyo madasha wada-tashiga oo marar badan arrintan ka hadlayna waxa ay ku celceliyeen eedo ay xukuumadda ugu soo jeedinayaan dib-u-dhac badheedh ah oo ay ku maaggan tahay muddo kordhin, taas oo ay xukuumadduna dhankeeda si joogto ah u beeniso.

Dhawaaqa qorshe-hawleedka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Komishanka ka soo yeedhay waxa uu shaaca ka qaaday in ay lama huraan tahay in doorashooyinku dib u dhacayaan, waxase madow ku jiraa muddada loo baahan karo in la kordhiyo, maadaama oo komishanku uu soo saaray muddaynta diiwaangelinta oo keliya, isla markaana la dareensan yahay in markaas kadib ay tahay in ay mar kale ka fadhiistaan waqtiga ay doorashada ku qaban karaan. Si kastaba ha ahaato ee imika waxa ay indhuhu u jeedaan dhinaca Golaha Guurtida oo iyagu sharciga dalku xaq u siinayo in ay muddo kordhinta sameeyaan, waxaana soo baxaya su’aalo la iska weydiinayo bal in muddo kordhintaas lagu salayn doono waqtiga komishanka ee aan caddayn iyo in Golaha guurtidu uu ka dhigi doono muddo uu isagu u gooyo oo dadka qaar ku sheegayaan in ay laba sano noqon karto.