Maadaysga Googooska Geeska: Akhri, Oo Ha Qoslin..!

0
712

Hargeysa (Geeska)- Qormadan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa, qiso carbeed oo maadays ah, oo uu afka hooyo u soo rogay:

Gabadh ayaa odaygeedii weydiisay, “Maxaa aad samayn doontaa haddii ay caawa taydii noqoto oo aan anigu kaa hor dhinto?

Ninkii oo iska qiiraysiinaya ayaa ugu jawaabay, “Maxa aad su’aashaa ii weydiinaysaa? Waa aad ogtahay, in aan ku jecelahay ee ha iga nixin. Haddii aad iga hor god gasho, jacaylkaaga dartii waa aan waalan lahaa?

Gabadhii oo ku niyad qabowday jacaylka uu saygeedu u sheegay, hase ahaato ee aan weli ku qancin jawaabta oo aan ahayn tii ay doonaysay, ayaa mar kale su’aal ku celisay, “Waxa aan ku weydiinayey, dabaday, ma’ guursan lahayd gabadh kale?

Ninkii ayaa ku jawaabay, “Sidee baanan u guursadeen gabadh kale, waalida aan dhimashadaada ka qaado ayaaba ii geyn lahayd guur kale ee”