Labada Xisbi Mucaarad Oo Soo Bandhigay Mawqif Ay Beesha Caalamku Soo Gaadhsiisay Xisbiyada Oo La Xidhiidha Doorashada Madaxtooyada Iyo Muddo Kordhinta

0
586

Picture6Hargeysa(Geeska)-Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID ayaa ka hadlay farriin culus oo ay beesha caalamka ee taageerta hanaanka dimuqraadiyadda Somaliland ay soo gaadhsiisay saddexda xisbi qaran taas oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada.

Weftiga oo ka koobnaa afar xubnood ayaa kala ahaa safiir ku xigeenka Ingiriiska ee Addis Ababa oo uu weheliyay diblomaasi kale, ku xigeenka safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Somaliya iyo ergay ka socday DFID, waxaanay metalayeen wadamada Somaliland ka taageera geedi socodka Dimuqraadiyada. Weftigani waxay  shalay kulan wada jir ah la yeesheen saddexda xisbi Qaran ee UCID, KULMIYE iyo Waddani, halkaas oo ay ugu bandhigeen mawqifka beesha caalamka ee dimuqraadiyadda Somaliland.

Xoghayaha arrimaha dibadda xisbiga Waddani Dr. Maxamed Cismaan Fadal, oo Geeska Afrika uga waramay kulankaas ayaa sheegay in wadamadan oo wakiil ka ahaa dalalka taageera dimuqraadiyadda Somaliland ay ka digeen muddo kordhin siyaasi ah, waxaanay ku taliyeen in haddii muddo kordhini timaado ay noqoto muddo kordhin farsamo. “Mawduuca ugu muhiimsan ee ay u socdeen weftigani  waxa uu ahaa arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyada Somaliland. Markaas waxaanu sidnaa bay yidhaahdeen farriintii aanu bulshada caalamka ka sidnay waxay yidhaahdeen Somaliland tacab badan ayaa nagaga jira, waxaanan doonaynaa in tacabkayagaas doorashooyinku uu kor u qaado Somaliland iyo sumcada ay dunida ku leedahay.” Sidaas waxa yidhi Dr. Fadal oo Geeska Afrika uga waramay kulankaas, waxaanu isagoo ka hadlaya  qodobada ay weftigu u gudbiyeen xisbiyada qaranka uu yidhi, “Qodobka koowaad waxay yidhaahdeen waxaanu doonaynaa inay doorashadu sida ugu dhaqsaha badan oo weliba sannadkan ah u qabsoonto, qodobka labaad oo isna ah in wixii muddo kordhin ah ee timaadaa aanay noqon muddo kordhin siyaasi ah ee wixii la kordhinayaa uu noqdo kordhin farsamo oo heshiis lagu yahay oo ku jaan go’an wakhtiga doorashadu ku qabsoomayso. Markaas waxay yidhaahdeen sidaas ayaanu idinka rajaynaynaa haddii aad Somalialnd tihiin caalamkuna uu idinka rajaynayaa oo la idinku garab taaganyahay, waxaanay aad ugu celceliyeen oo ay ka digeen in la sameeyo muddo kordhin siyaasi ah oo ay yidhaahdeen idinkuma waafaqayno.”

Xoghayaha arrimaha dibadda xisbiga Waddani wuxuu sheegay in labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID ay kulankaas ka jeediyeen mawqif isku mid ah oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka, iyagoo u mahadceliyay wadamada ka socday bulshada caalamka.

Guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Md. Cali Maxamed Yuusuf Cali (Cali-Gurey) ayaa isaguna qoraal uu soo saaray wuxuu kaga hadlay kulankaas. Waxaanu qoraalkaas ku yidhi sidan “Waftigii Qaadhaan bixiyayaasha oo ka wakiil ah bulshada caalamka ayaa mar la wada kulmay sedexda xisbi qaran. Waftigu waxay hor iyo horeetoba si cad oo aan madmadow ku jirin u cadeeyeen mawqifka bulshada caalamka ee ku waajahan doorashooyinka Somaliland oo 100% la mid ah mawqifka xisbiga UCID. Waftigu waxay sheegeen in ay qabaan in doorashadu ay suurtogeli karto dhamaadka sanadkan haddii ay dhacdo in ay wax ku darsato waa in ay ku timaado keliya jadwaalka wakhtiga(timeline) doorashada oo maalmaha soo socda ka soo bixi doona Komishanka Doorashada. Waftigu waxa ka digeen muddo kordhin siyaasi ah oo hadii ay dhacdo keenaysa in bulshada caalamku, gaar ahaan daneeyayaasha Somaliland ka taageera dhinca dimuqraadiyadayntu ay dib uga fiirsadaan taageerada ay siiyaan Somaliland. Halka xisbiga UCIDna uu si cad wadtiga ugu xaqiijiyay in gebi ahaana geedi socodkii dimuqraadiyada ee Sonaliland uu halis ku jiro loona baahan yahay in la badbaaiyo tacabkii iyo dadaalkii ay u soo gashay ummadani xaqiijinta himiladeeda ah inay dhisato nadaam dawladeed oo dimuqraadi ah oo la jaanqaadi kara dunida casriga ah. Muddo kordhin siyaasi ah wuxu UCID ku tilmaamay inay Somaliland kunsa tahay IS DELDELAAD QARAN. Hadiiba ay dhacdo muddo kordhin siyaasi ah oo laba sanadood ah sida la the wadwado bulshada caalamkuna dib uga fiirsato taageerada geedi socodka dimuqraadiyadayntu, markaa xisbiga UCID wuxu u xaqiijiyay waftiga in aanay aqbali doonin Madaxwayne Silanyona u aqoonsanaan doonin Madaxwayne Sharci ah isaga oo xisbiga UCID ka codsaday waftiga inay cadaadis dheeraad ah uu saaro Madaxwayne Silanyo si loo badbaadiyo dimuqraadiyada Somaliland guud ahaan, gaar ahaana doorashooyinka muddo dhaafay.”