Arrimo Burburiya Awoodda Maskaxeed Ee Qofka

0
858

Picture7

Hargeysa (Geeska)- Maskaxdu waa xubinta ugu muhiimsan ee samaysa shakhsiyadda qofka, curisa hal-abuurkiisa, miirta hibada uu leeyahay iyo aragtidiisa, isla markaana qorshaysa beegsiga afkaartiisa iyo himiladiisa. Waxaa jira dad badan oo uu Alle (SWT) hibo u siiyey awood maskaxeed oo sarraysa iyo xikmad u sahasha in arrimaha kuwa ugu adag ay xal u raadiso, mararka qaarkoodna gaadhaba heer ay dadku ugu soo arooraan xal u helidda arrimaha noloshooda. Haddaba awooddaa maskaxeed ee qof kasta in laga siiyey, ma’aha mid meel taagan, balse waa ay kortaa ama hoos u dhacdaa, iyada oo ku xidhan hadba duruufaha kale ee maskaxda iyo guud ahaan qofka.

Qormadan falsafadeed oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Caalamiya waxa ay soo bandhigaysaa labaatan arrimood oo haddii aanu qofku iska ilaalin ku keeni kara burbur maskaxeed iyo in ay adeegsan kari weydo awoodiheeda Rabbaaniga ah; waxa aanay kala yihiin:

1. Wax tegey ka ha fikir: Dad xikmadda badani waa kuwo fikirkooda xoogga ku saara arrimaha hadda taagan iyo waxa mustaqbalka soo socda iman kara am aka dhalan kara arrimahaas. Waa dadka si fiican u fahamsan in waxa mar hore dhacay, uu yahay wax dhammaaday oo aan hadda waxba laga beddeli karin, ama loo xakamayn karin sida la rabo, waxa keliya ee inala gudboonna uu yahay in duruus laga barto. Sidoo kale mustaqbalka fogi waa tiigsi dheer, oo wax badan Qaddarka iyo Ogaanshiyaha Alle kaga xidhan yihiin, Aadamahana ay ku adag tahay in ay gartaan. Sidaa awgeed waa in uu qofku ku dhaqmaa xikmaddii laga dhaxlay khabiirkii weynaa ee Dr. Ibraahiim Al-Fiqi Alle ha u raxmaado ee, oo ahayd, “Ilbidhiqsi kasta u noolow sida oo uu yahay kii nolosha adduun kuugu dambeeyey”

2. Iska jir in aad ku negaato marxaladda ammaanka: Cilmi nafsiga waxaa jira xaalad maskaxeed oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo, comfort zone oo aynu ku macnayn karno Soonaha Ammaanka ah. taas oo ay khubarada cilmi nafsigu ku qeexaan, “Hubaal la’aanta, cabsida iyo nugaylka oo yaraada, qofkuna aamino in uu in ku filan ka haysto, jacaylka, cuntada, hibada, waqtiga, u bogista, awoodna u leeyahay waxoogaa in xakamaynta xaaladihiisu ay gacanta ugu jiraan, dadaal badan iyo tacab isaga oo aan gelinna uu qanaaco gaadhi karo”

Haddaba qofka oo xaaladdan oo kale gaadhaa waxa ay khatar ku tahay maskaxdiisa, waxa aanay ku abuurtaa in uu keliya geerida isu dhiibo isaga oo nool, sidaa awgeed si qofku u haysto awooddiisa maskaxeed waxa uu marar badan u baahan yahay in uu dibadda uga baxo Soonaha ammaanka oo uu miiro maskaxdiisa. La soco…