Ma Og Tahay: Dalalka Faqiirka Ah Lacagta Lagu Caawiyo Mid Ka Badan Ayaa Kaga Baxda Shilalka Baabuurta …

0
572

– In Dalka Usteeriya ay ku yaallaan 66 Idaacadood. Halka dalka Canada ay kaga yaallaan 1’750 Idaacadood

– Ma ogtahay in Daqiiqad kasta ay dunida Laba (2) qof u dhintaan Shil baabuur. Halka Malyuun iyo Laba boqol oo kun oo qof ay sannad kasta u dhintaan shilalka baabuurta. Tira koob la sameeyay ayaa muujiyay in dalalka intooda badan dadka yaalla Cisbiltaalladu ay Boqolkiiba Toban (10%) yihiin kuwo ku wax yeelloobay shilalka ka dhaca waddooyinka. Waxa kale oo tiro koobkan lagu ogaaday in dowladaha dunidu ay sannad kasta shilalka gaadiidka kaga baxdo lacag dhan 518 Bilyan oo Dollar. Halka dalalka uu liito dhaqaalahoodu (dunida saddexaad) ay sanadkii kaga baxdo Hal Milyaar oo Dollar.

– Ma og tahay in kharashkaas dunida Saddexaad kaga baxa shilalka baabuurtu uu laban-laab ka badan yahay Caawimada ay dunida horumartay siiso dalalkan.

– Ma ogtahay in Qur’aanku uu ka kooban yahay Boqol iyo Afar iyo Toban (114) Suuradood. Lix iyo Siddeetan (86) suuradood waxa ay ku soo degeen Nebigu intii uu joogay Maka, Siddeed iyo Labaatanka (28-ka) Soo hadhayna waxa ay ku soo degeen intii uu joogay Madiina. Qur’aanku waxa uu ka kooban yahay Lix kun, Saddex boqol iyo Siddeed iyo Afartan (6348) Aayadood, waa marka Bissinka la xisaabiyo Aayad.

– Labada dal ee wadaaga xuduudda ugu dheer dunidu in ay yihiin Canada iyo Maraykanka. Halka labada dal ee wadaaga xuduudka ugu gaabanina ay yihiin, VATICAN-KA iyo Talyaaniga.

– Ma og tahay in fiid meertu ay ka mid tahay xayawaanada Naaslayda ah kuwa ugu yaabka badan. Sida at u eeg tahay uma aha shimbir, waayo, kuma taranto beed ee waxa ay dhasha noole yar (Fiidmeer) oo iyada u eeg. Malaha indho haddana habeenkii ayaa ay socotaa. Si ka duwan shimbiraha waxa ay leedahay Ilko aad u af badan oo inta badan ay isku difaacdo. Waxa ay leedahay dareen sida Raadaarka ah oo ay si dhakhso badan ugu dareento jihada uu shay ka xigo iyo masaafada uu u jiro, si aanay u duqayn ugu dhicin marka ay duulayso, waxa ay sii daysaa cod (Dhawaaq) marka uu ku dhaco shayga ku soo waajahan ku soo celiya jawaabta. Arinta ugu yaabka badani waxa ay tahay in Bani aadamku aanu maqli karin dhawaaqaas fiidmeerta.