Kombuyuutarka La Qaataa (Laptop) Ragga Waxa Uu Keeni Karaa Ma Dhalaysnimo

0
607

Washington (Geeska)- Khubaro Maraykan ah ayaa uga digay guud ahaan ragga, gaar ahaanna kuwa dhalinyarada ah khatarta uu leeyahay isticmaalka Kombuyuutarka gacanta lagu qaato (Laptop) haddii dhabta la saaro, kaas oo ay sheegeen in uu daciifiyo awoodda ragannimo ee labka, suurtogalna ay tahay in uu ka dhigo ma dhalays.

Xeel-dheerayaashan oo ka tirsan jaamacadda New-york ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay lagama maarmaan u tahay in raggu ay yaraystaan guud ahaanba waqtiga ay isticmaalayaan Kombuyuutarkan (Labtop) marka ay ku haynayaan dhabta iyo bowdyaha dushooda. Daraasad ay khubaradani ku baadhayeen halista uu leeyahay Kombuyuutarka gacantu (Labtop) ayaa muujisay in marka dhabta la saaro kombuyuutarkan, in uu kordho kulaylka (Xaraaradda) bowdyahay dhexdooda iyo gaar ahaan ta Xubinta Taranku (Xiniinyaha), arrintaas oo si halis ah u wax yeelaysa Noolaha yaryar ee ku jira biyahay ninka (Manida) oo iyagu suurto galiya in ninku yeesho awood dhalmo.

Cilmi baadhayaashani waxa ay caddeeyeen in haddii raggu ay saaraan Kombuyuutarkan dhabta muddo dheer ama xitaa ragga marka ay fadhiyaan is dulsaara bowdyaha in uu aad u kaca kulaylka (xaraaradda) inta ku xeeran Xiniinyaha arrintan, taas oo tijaabo ay ku sameeyeen 29 Nin oo caafimaad qaba da’dooduna ay u dhaxayso 21 iyo 35 sano ay ogaadeen in kuwa caadaysta in ay kombiyuutarka dhabta saaraan muddo dheer ay boqolkiiba 70 khatar ugu jiraan in ay ma dhalays noqdaan. Xeel-dheerayaasha oo arrintan sii sharraxaya ayaa daraasaddan ku sheegay in saacad keliya oo uu ninku bawdyaha dushooda ku hayo Laptop ay ku filan tahay in uu si aad ah u kaco heer kulka bawdyaha dhexdoodu, taas oo khatar ku ah, iyaga oo sheegay in bawdyaha dhexdoodu ay leeyihiin heer kul dabiici ah oo Alle ugu talo galay, kaas oo ku habboon xasaasiyadda ay goobtaasi leedahay, haddii uu intaas ka batana khatartan keeni kara.