Siciid Sulub Oo Ka Dayriyay Wada Hadalada Turkiga, Kana Hadlay Xiisadda Ka Taagan Gobalka Awdal Iyo Hawada Lagu Wareejiyay Dawladda Xasan Sheekh

0
483

Picture7Hargeysa(Geeska):-Wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guryeynta xukuumadii Daahir Riyaale Kaahin Siyaasi Siciid Sulub Maxamed,ayaa xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Md:Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ugu baaqay in ay ka baxdo wada hadalada ay kula jirto dawlada Somaliya ee uu marti galiyo dalka Turkigu,waxaana uu sheegay in wada hadaladaasi mudadii ay socdeen aanay habayaraatee ka soo bixin wax natiijo ah,isaga oo carabka ku dhuftay in intii wada hadaladaasi ay dhaawac xooga u gaysteen sumcadii qaranimada Somaliland.waxaana kale oo u carabka ku dhuftay markii ay xukuumadani bilaabaysay wada hadaladan ay ku bilowday qaab uu ku sheegay indho la’aan,oo uu tilmaamay in aanay ka fiirsan markii ay wada hadalada lagalaysay Somaliya.

Siyaasi Siciid Sulub Maxamed ayaa hadalkan ka sheegay mar uu u waramaayey qaar ka mid ah warbaahinta,waxaana uu sheegay in dawlada Turkiga ee marti galinaysa wada hadaladu aanay dhex ka ahayn wada hadaladaasi."Horta wadahadalada Somaliland iyo Somaliya,xukuumadan ayaa bilowday si indha la'aan ahna waa ay ku bilowday,si aan meeqaamkii Somaliland ee aan ahayn ee gooni isu taaga ayey ku bilowday,haddii laga tagi waayo shirkii London lagu qabtay ugu horeeyey ee 2012-kii,shirkaa waxaa ka soo baxay Lix qodob.Lixdaa qodob wax ka danbeeyey oo arrin macno ah leh oo shirarkaa ka soo baxay ma jirto.waxaana uu lumay wada-hadalku,markii Turkiga  la geeyey iyo Turkiga oo markaa cadeeyey in aanay arrintaa dhex ka ahayn ee uu yahay dhinac oo uu midnimadii Somaliya uu raadinaayo,halkaa waxaan u arkaa in wax alliyaa la'iyo waxaa la wadaa in wadahadalkan la leeyahay wasiiradeenii ay tageen,wasiirkeena madaxtooyada iyo wasiirka arrimaha dibadu,waxaa laygu yidhi dhinaca kale wafti la meeqaam ah lagama soo dirin,oo Laba nin oo nina uu yahay la taliyaha madaxweynaha midna uu duur joog yahay oo aan xilba ku tirsanayn ayey la kulmeen,wax allaale iyo wax ay ku soo heshiiyeen oo arrin ahina ma jiro,arrintaa gabi ahaanba marka aan soo gaabiyo ,waxaan u arkaa in markii horena si khaldan loo galay,maantana arrintii qadiyada Somaliland iyo wada-hadalkii aynu dee mawqifkeena ku cadaysan lahayn,mid walba la la'yahay,Somaliyana ay ka cago jiidayso,kana daacad ahayn,qoladeenana aanay ka daacad ahayn oo maalinkan maanta ah ay wadaan wax aan la garanayn,markaa aniga taladaydu waxa weeye wada hadaladu halkaa maanta ay marayso in lagu dhaafo oo la joojiyo,ruwaayad ayaanan u arkaa oo wax qaran iyo umad lagu maaweeliyo Turkiga ayaanu tagnay oo waanu ka soo noqonay maaha. haddii la tagay intaas oo jeer ayaa la tagay intaas oo goor ayaana laga soo noqday,maxaa la faa'ideeyey,qodob midha dhala oo illaa imika la hayaa ma jirto.Markaa waxaan ku talin lahaa dawladani iyaduna waa ay ku ceebaysan tahay,Somaliland-na waa ay ku ceebaysan tahayee dhinac kale ha looga wareego wada hadalada inaga iyo Somaliya".Ayuu yidhi Siciid Sulub Maxamed.

Siyaasi Siciid Sulub Maxamed oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ka hadlay sida uu u arko in haayada duulimaadyada u qaabilsan qaramada midoobay ay hawada ku wareejisay dalka Somaliya,waxaana uu yidhi:"Arrintaa waxaan u arkaa dee hada ka horbay cadaysatay dawlada Koonfureed,in ay heshiiskii ka baxday qodabadii lagu soo heshiiyey ee hawada,oo ay iyadu la wareegtay hawadii,wax cusubna uma arko oo dee tan hore ayaa uu wasiirkooda hawadu u sheegay in ay iyagu xukumayaan hawada Somaliland,heshiiskii lagu soo galay Turkiguna uu burburey,horaa laynoogu sheegay.Markaa waxaan uun dee u arkaa heshiis laga baxay in uu yahay heshiiskaasi".

Wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guryeynta Siyaasi Siciid Sulub Maxamed,waxaa uu sida oo uu ka hadlay maleeshiyaadka maal mahii u danbeeyey isku urur sanaayey dhinaca galbeed ee Somaliland ee ka soo jeeda gobalka Awdal,waxaana uu ku tilmaamay in arrintaasi ay nasiib darro weyn tahay,isaga oo tibaaxay dawladii ka horeysay xukuumadan hada jirta ay dalka kaga tag tay dad iyo dal midaysan balse ay xukuumadani intii ay jirtay uu dadkii iyo dalkiiba kala yaacay,waxaaana uu arrinta u sheegay in uu eedeeda uu dusha u saarayo xukuumada hada jirta,maadaama baa uu yidhi ay ka gaabisay in ay jawaab waafi ah ay ka bixiyaan tabashooyinkii uga yimi madax dhaqameedka ree Awdal. "Runtii waa nasiib darro ugu wayn oo waxa weeyaan hadaynu nahay reer Somaliland hantidii qudha ee aynu haysanay ee aynu ku guulaysanay waxa weeyaan burburkii Somaliya aynu kala nimi waxa qudha ee faa'ida ah ee aynu qabnay waxa weeyaan waa midnimo Bari iyo Galbeedba,dawladihii dawladahan ka horeeyeyna dee taariikhdu way taalaaye waxbay kordhinayeen oo dal iyo dadba waa ay soo kordhinayeen, halkana waxaa ka muuqata in dal iyo dadba uu sii lumaayo.markaa waa dhaliil xukuumadan saaran.Arrintan hada soo koradhay ee Awdal-na runtii aad ayaan uga xumahay oo waxaa ay ahayd haddii uu khilaaf yimaado in ama ay tabsho timaado in reer Awdal ay miiska wada Xaajoodka ay yimaadaan oo xukuumada iyo shicibka iyo waliba cid walba waxii ay arrimahooda dan u moodayaan ay kala hadlaan,

Ugu danbayntiina Siyaasi Siciid Sulub Maxamed waxaa uu ugu baaqay in xukuumada hada jirta ay arrinta maleeshiyaadka ka soo jeeda gobalka awdal ay ku daydo waan waan iyo wada hadal si meesha looga saaro raba shooyinka jira.

“Laakiin in lagu dhawaaqo gooni isu taag labaad oo Somaliland dhex deeda ah khalad baan u arkaa khaladkaana waxaa u sabab ah sida la ogyahay way yimaadeen madax dhaqameedka reer Awdal xukuudana cabatin ayey u keeneen,cabatinkii illaa maanta xukuumadu xal umay samayn,dee mar hadii cabatinkii ama tabashadii ay lahayd laga hoos qaadi waayo dee bani aadamku nin dulqaata oo samra iyo nin ficil sameeyaba waa uu leeyahay,ficil qaadashadana waxaa keentay dhaga adayga ay ka dhaga adayg tay xukuumadan imika jirtaa reer Awdal cabatinkeedii in ay keento,sidan ay ku bilaaban tayna waliba si dhuuban ayey ahayd oo aan loo dhamayn oo madax dhaqameedkii reer Awdal aanay u dhamayn.Waxa kale oo arrintaa aan cabatinkeeda aan maqlayaa halkii wada hadal lagaga dayi lahaa iyo in arrintaa laga wada hadlo ciidamo ayey gaysay xukuumadu reer Awdalna arrintaas waa ay ka sii xanaaqeen,xukuumadana waxaan kula talinayaa quwad iyo awoodi waxay fogayso mooye waxba ma soo dhawayso,arrintaana wada hadal ha lagu dayo,Somaliland iyo guurtideedana ha loo adeegsado yaan awood milatari la isticmaalin dhinac dhinacna"Ayuu yidhi Siciid Sulub.