Ma Maqashay Xashaarad Aynu Maalin Kasta Cunno Ama Dheecaankiisa Isku Qurxino Innaga Oo Aan Ogeyn?

0
612

Dubai (Geeska)- Waxa aynu maalin kasta si aan ku talogal ahayn u cunnaa ama dheecaanno iyo maaddooyin laga soo dheegtay isugu qurxinaa nooc ka mid ah xasharaadka caadi ahaan aadamuhu ka wiswisaan oo afka qalaad lagu yidhaahdo Cochineal. Xasharaadkan oo ka mid ah noocyada dirxiga, oo midabkiisu casaan yahay, waxa uu ku noolyahay geedka dacarka, waxa aanu ka mid yahay xasharaad iyo cayayaan kala duwan oo qayb ka ah cuntooyin badan oo aynu joogto u cunno. Tusaale ahaan sibaaqa oo aad cuntada loogu daro gaar ahaanna bariiska si midab iyo qurux loogu sameeyo ayaa ka mid ah cuntooyinkaas. Waxa ay khubaradu sheegeen in dirxigan, gaar ahaan noociisa dheddig laga sameeyo midabbada kala duwan ee sibaaqa, sida casaanka iyo liimiga. Sidoo kale midabkan laga soo dheegto dirxiga ayaa keena asiidhka Carminic Acid oo qayb weyn oo muhiim ah ku leh samaynta inta badan cuntooyinka qasacadaysan iyo sharaabbada qaar, macaanka (Xalwadaha iyo nacnaca) waxa kale oo dirixigan loo adeegsado dhammaan kiriimaada iyo walxaha kale ee dumarku isku qurxiyaan.

Warbixin uu Geeska Afrika ka soo  xigtay bogga internet ka ee talefishanka Al’aan ayaa isaga oo tilmaamaya qaabka dirxigan looga soo dheegto maaddooyinka aynu soo xusnay, waxauu sheegay in marka hore biyo kulul lagu rido, ama inta weel lagu rido loo dhigo fallaadhaqaha qorraxda. Sidoo kale waxaaloo adeegsadaa  uumiga, qiiqa ama furinka wax lagu dubo oo lagu dhex rido, kadibna waxauu sameeyaa midabbada kala geddisan ee aynu ku aragno sibaaqa.

Waxa ay khubarada warbixintu soo xigatay sheegayaan in marka la isticmaalayo dirxigan, ay marka hore tahay in marka uu dhinto kadib muddo la qallajiyo, in uu sidii la rabay u qallalayna waxaa calaamad u ah miisaanka dirxiga oo ugu yaraan boqolkiiba 30 hoos u dhaca marka la barbar dhigo miisaankiisii marka uu noolaa.

Warbixintu waxa ay sheegtay in marka la doonayo in la sameeyo rodol (Rubuck kilo) sibaaq ah loo baahanahayo 70 kun oo xabbo oo dirxigan ah. dirxigan oo gebi ahaantii ka kooban maaddooyin midabbeeyeyaal ah, ayaaay khubaradu sheegeen in sidoo kale siyaabo kala duwan loogaga faa’idaysan karo samaynta cuntada iyo caafimaadka wejiga labadaba.

Shirkadaha soo saaraha cuntooyinka qasacadaysan iyo kiriimada iyo walxaha la isku qurxiyo ayaa marar badan lagu ogaadaa in ay warshadayntooda u isticmaalaan cayayaanno iyo xasharaad kala duwan iyo xitaa dufan xoolaad oo doofaarku u badan yahay, laakiin shirkaduhu inta badan waa ay sheegaan wixii aan ahayn xasharaadka iyaga oo ka cabsi qaba in dadku nacaan. Xayeysiisyadooda iyo warbixinnaha ay wax-soo-saarkooda kaga hadlayaanna kuma daraan xog iftiiminaysa in xasharaad ku jiro.