Fanaanka Farxaan Xidig Oo Waayay Kursigii Baarlamaanka Somaliya

0
630

Hargeysa(Geeska)-Fanaanka reer Somaliland balse aaminsan mabda’a federaalka Somaliya Mr. Farxaan Xidig, ayaa shalay ku guuldaraystay kursi uu ugu tartamayay aqalka baarlamaanka Somaliya.

Mr. Xidig ayaa ku guuldaraystay kursigaas, ka dib markii uu codayntii kaga adkaaday Cilmi Maxamuud Nuur oo ay gobalka Awdal  ka soo wada jeedaan. Mr. Xidig ayaa helay 6 cod, halka uu Cilmina helay 45 cod.

Farxaan Xidig ayay tani u noqonaysaa cashar siyaasadeed oo ka soo qabsaday magaalada Muqdisho, waxaanu ku dooday in codka awood ciidan lagaga boobay.