Hooyada Dhalmada Bilowda 25 Jirka Kadib Ayaa Ka Caafimaad Fiican Hooyada Da’ Taa Ka Yar Ku Curata

0
771

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in gabadha oo dhasha da’deeda 25 jirkakadib, ay kor u qaaddo fursadaheeda cimri dherer, marka loo eego dumarka da’da 25 sano jir ka yar ku bilaaba dhalmada. Cilmibaadhayaashu waxa ay helee xidhiidh adag oo ka dhexeeya da’da gabadhu ku bilowdo dhalmada iyo awoodda uu jidhkeedu u yeelanayo gudashada shaqooyinkiisa, iyo sidoo kale suurtogalnimada in ay hesho fursado cimri dherer.

Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo ay samaysay jaamacadda California Santiago ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in gabadha curata iyada oo 25 jir  ka weyn ay boqolkiiba 11 kor u kacdo rajada laga qabo in ay ka cimri dheer tahay gabadha iyada oo da’daas ka yar curata. Sida lagu sheegay natiijada cilmibaadhista oo ay faafisay shabakadda Business Insider, ayaa tijaabadeeda lagaqaaday in ka badan 20 kun oo ah dumar u dhashay dalka Maraykanka, waxa aana ka soo baxday natiijadan isku xidhaysa cimri dhererka gabadha iyo da’da ay dhalmada ku bilowdo.

Laakiin dhinaca kalana waxa ay dhakhaatiirtu si aad ah ua digaan guurka oo waqti badan dib u dhaca, iyaga oo sheega in ay taasi badiso khatarta ah in hooyadu ay dhiciso ama in ilmuhu uu noqdo mid abuur ahaan aan dhamays ahayn. Dr. Calaa’uddiin Shaadyaab oo daraasaddan hormuud u ahaa ayaa isaga oo arrimahan faahfaahinaya waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Natiijada noo soo baxday macnaheedu ma’aha in gabadhaay qasab ku tahay in ay dhalmada dib dhigto muddo badan, waayo taas waxaa ka dhalan kara khataro kale”

Sidoo kale waxaa cilmibaadhistani iftiimisay in dumarka dhala carruur tiradoodu ka badan tahay Laba tusaale ahaan 2 illaa 4 ay ka cimri dheer yihiin dumarka ilmaha keliya dhala. Rawksana Kariim oo ah cilmibaadhe ka tirsan kuliyadda Keck School of Medicine oo ka tirsan jaamacadda California ayaa iyaduna dhinaceeda ka sheegtay in isku xidhka da’da dhalmada iyo cimriga qofku ay ku timid daraasad lagu sameeyey xaaladda caafimaad iyo duruufaha bulsho ee hooyada ku dhasha da’ ka yar 25 iyo ta ku curata da’ ka weyn 25 iyo sidoo kale saamaynta tirada ubadku ku yeelanayaan caafimaadka iyo xaaladda bulsho ee hooyada. Arrimahaas ayaana ay ka soo dhex baxday in arrintan leedahahay saamayn dhinaca cimriga ah.