Ma La Gaadhay Xilligii Wax La Iska Weydiin Lahaa Haybadda Saldanada Dalka?

7
1046

 

munir

Tan iyo intii ay burburtay dawladdii wixii laysku odhanjiray Somaaliya, waxaa ka dilaacay dhulka ay degaan dadka Af-Somaaliga ku hadlaa magacyo badan oo masaarif lagu raadsho, magacyadaas waxaa kamid ah. Dhul Boob, Lacag Boob, Makhraati Boob, Saldanad Boob, iyo qaar kaloo badan. Doodeena maanta waxaynu kaga hadlaynaa mida ugu daran magacyadaas oo ah Saldanad Boob, Saldanadu maha wax kimis iyo masaarif lagu doonto, mana´aha wax lagu dilaalo oo lagu malaalo, maha wax lagu jabhadeeyo, balse waa milgo iyo dhaqan ka soo unkamay geedkii  Damalka ahaa ee Somaalidu dhaqanka u lahayd, Saldanada Somaalidu waxay ahayd mid aan siyaasadda shaqo ku lahayn, isla markaana ku kooban arrimaha dhaqanka iyo beelaha, Suldaankii hore ee dhaqanka Somaalida ka soo jeeday, Suuqa waxba kuma cunijirin, afkiisu wuxuu ahaa mid dhawrsoon, wuxuu lahaa astaamo lagu hirto oo lagaga daydo, sidoo kale lama arkijirin qof isagu isu cumaamada magaca Saldanada balse wuxuu ka imanjiray rabitaanka dadka. Hadaynu u degno dulucda doodeena, akhristow tiraba dhawr jeer ayaan ka hadlay halista kasoo socota Saldanadii Somaalidu dhaqanka u lahaan jirtay, ka dib markii si badheedha loo faraxumeeyay. Horaanti 2009 ayaan Dood hor dhigay Mid kamid ah Salaadiinta ku timi Rabitaanka shacabkiisa, ka soo ah Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo ah Suldaanka Beesha Degaanka Qoryaale ee Gobolka Togdheer, waxaan wakhtigaas weydiiyay su´aal ahayd, in la gaadhay wakhtigii ay habdhaqanka bulshada ka bixi lahayeen magacyada Saldanadaha Somaalidu, maadaama dhaliisheedu badatay.

 

 

Doodaas oo markii danbe ay qaada dhigtay barnaamijyo badana ay ka diyaarisay Ilaacadda weyn ee VOA´du, wuxuu kaga jawaabay Suldaanku in hadda la joogo wakhtii Saldanada Somaalidu meesha ka bixilahayd, haddii aan sidan wax laga badalin, isagoo tusaale u soo qaatay inay Somaliland jogaan laba Suldaan oo walaalo ah iyo laba Ilmaadeer ruma ah oo midba dhankiisa cumaamad u sito. Haddaba waxay dulucda doodani leedahay, Boqor Cismaan Buur Madow wuxuu dhawaan ka sanqadhiyay mar uu la hadlaayay saxaafadda, inuu waddamada dibadda ka ah Somaliland ka soo jabhadayn doono, si aan u qabsado ayuu yidhi waddanka Somaliland, waa siduu hadalka u dhigaye. Magaca "JABHA"waa eray Afcarabi ah, waa in qori iyo tuute la qaato oo duurka la galo.  Runtii Madax dhaqameedku waa  Nabadoon,kelmadaas ayaa ka xidhaysaa erayga dagaal, ama hanjabaad, wuxuuna astaan u yahay nabada, sidaa daradeed waxaan filayaa inay ummadda Somaliland laba mid u joogto, in sida Suldaan Maxamuud Guuleed sheegay meeshaba laga saaro haybada Saldanada, maadaama oo ay gabtay wixii loo igmaday, iyo lagay eesho wadatashi qaran oo arrintan xal loogu helaayo, ileen Suldaan iyo Nabadoon Dagaal iyo dirays ku baaqaya wuxuu soo wada waa dhibaato uune.

 Muniir Axmed Cigaal

Email muniir10@gmail.com

Comments are closed.