Olole Iyo Baratan Loogu Jiro Buuxinta Jagadii Wasiirul Daakhiliga Ee Dr. Gabose Baneeyay Iyo Magacyada Masuliyiinta Loolanka Ku Jira

0
799

 

bedelid

Hargeysa(Geeska)-Markii uu khamiistii si rasmi ah isu casilay wasiirkii arrimaha gudaha ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxa magaalada Hargeysa laga dareemayaa loolan loogu jiro buuxinta jagadaas.

Wasiir Gaboose, ayaa khamiistii si lama filaan ah iskaga casilay xilkii uu hayay, waxaanay is casilaadiisu ku beegantay soo guryo noqoshadii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo safar dibadeed ku maqnaa. Wasiir Gabose, oo miisaan culus ku lahaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu is casilaadiisa ku sababeeyay si uu uga dhabeeyo hamigiisa siyaasadeed. Haddaba, markii uu soo baxay warka is casilaadu waxa bilaabmay baratan loo galay booskaas oo ah mid culus, waxaana labadii habeen ee u dambeeyay socday shirar doceedyo iyo kulamo is daba joog ah oo qay abaabuleen ragga doonaya inay noqdaan wasiirka arrimaha gudaha, kuwaas oo isugu jira masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada, kuwo kale oo ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo siyaasiyiin madaxbanaan.

Wasiirka xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir iyo guddoomiye xigeenka KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa ka mid ah ragga ololaha ku jira. Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in labadaas masuul ay habeen hore magaalada Hargeysa ku qabteen shir ay taageero ugu raadinayaan hankooda; kaas oo ay la yeesheen rag miisaan culus ku lahaa xisbiga KULMIYE. Wasiir Cabdi Aw Daahir, ayaa la sheegay inuu isagu guclo iyo orod ugu jiro inuu buuxiyo jagadaas Wasiirul daakhiliga, halka la sheegay in Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ay isku jufo yihiin Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, isna doonayo inuu ka mid noqdo golaha wasiirada si uu u buuxiyo booska beeshiisa ee uu baneeyay Gabose. Siyaasi kale oo isna lagu magacaabo Xuseen Saalax, ayaa isna ka mid ah ragga sida weyn ugu ordaya buuxinta jagadaas. Xuseen Saalax, oo la sheegay inay isku dhow yihiin Madaxweyne Siilaanyo, muddooyinkii u dambeeyay wuxuu ku sugnaa magaalada Hargeysa, waxaanu ka soo jeedaa beesha Gabose.

Si kastaba ha ahaate, rag kale ayaa la filayaa inay iyaguna ku soo biiraan saaxadda tartanka, waxase go’aanka kama dambaysta ah iska leh Madaxweyne Siilaanyo oo la aaminsanyahay inay lama filaan ku noqotay is casilaadda Gabose.