Xarunta Beder Oo Shahaadooyin Gudonsiisay Arday Dhammaysatay Axkaamta Sakaynta Shirkadaha

0
857

 

khali

Hargeysa (Geeska) Xarunta Beder ee daraasaadka mustaqbalka iyo talo bixinta oo ah xarun waxbarasho iyo cilmi-baadhis ayaa shaahaadooyin gudoonsiisay wasiirka diinta iyo aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi iyo culimo ka mida masuuliyiinta shirkadaha gaarka loo leeyahay, kadib markii ay dhamaysteen tobabar ku saabsan Axkaamta Zakaynta shirkadaha ganacsiga iyo xsaabintooda si waafaqsan hanaanka xisaabineed ee islaamka.

 

Munaasibad balaadhan oo ka soo qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo ay ugu horeeyaan maamulka xarunta Beder, wasiirka diinta iyo aw-qaafta, wasiirka warshadaha iyo ganacsiga, agaasimaha tacliinta sare, agaasimaha wasaaradda arrimaha bulshada iyo shaqada, gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo masuuliyiin kale ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey 21 arday oo dhamaystay tobabar saddex maalmood socday oo ku saabsanaa Zakaynta iyo xisaabinteeda.

Ugu horayn qorshayaasha iyo kulankaas ujeedadiisa waxaa ka hadlay agaasime ku xigeeka xarunta Beder Cabdiraxmaan Xasan Nuur, waxaanu yidhi “Xarunta Beder ee daraasaadka mustaqabalka iyo talo-bixinta oo ah xarun waxbarasho, tobabar, cilmi-baadhis iyo talobixieed ayaa Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa ku soo bandhigtay deeq waxbarasho oo la siin doono 40 arday oo lagu soo xuli doono imtixaan laga qaado iyo qiimeyn lagu sameeyo heerkooda aqooneed. Ardayda ku guulaysata deeqdaa waxbarasho ayaa waxay muddo lix bilood ah si aad u heer saraysana loo qaabeeyey oo isugu jira attendance iyo distance learning”.

Sidoo kale deeqda waxbarasho ee uu shaaciyey machadka Beder iyo tobabarkii dhamaaday waxaa ka hadlay gudoomiyaha xarnta Beder Sh Cabdiqani Xuseen Maxamed, waxanau yidhi “Deeqdan waxbarasho ayaa ah tii nooceeda ah ee gobolka laga hirgaliyo, waxaana deeqdan waxbarasho qayb ahaan xaga maaliyadda ku deeqay Xaaji Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshil) iyadoo qaybta kalena xaruntu ay ku deeqday.

Deeqdan waxbarasho ayaa lagu soo bandhigay xaflad lagu soo xidhaayey tobabar ku saabsan Fiqiga Zakada iyo xisaabinteeda oo muddo sadex maalmood ah loo qabtay shirkadaha ganacsiga iyadoo halkaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey xubnihii tobabarka dhamaystay. Tobabarkaas waxaa lagu soo bandhigay fahamka balaadhan ee ay Zakadu leedahay iyo xidhiidhka ay la leedahay qaabaynta dhaqan dhaqaale ee bulshada. Doorka wax ku oolka ah ee ay qaadan karto, shaqo abuurka bulshada. Kaalinta Zakadu ku yeelan karto sugida amniga qaranka iyo yaraynta fal danbiyeedyada qorshaysan. Kaalinta Zakada ee qaabeynta xidhiidhka dawliga ah ee dawladaha. Doorka Zakadu ku yeelan karto dib u dhiska dalka, sida wasaaradaha iyo difaaca tacliinta. iyo habka ugu haboon ee Zakada looga faa’idaysan karo”

Sida uu sheegay maamulka xarunta Beder kulan maalmeedka loo soo xidhay masuuliyiinti shirikaadka kala duwan waxaa laga soo saaray shan qodob oo waxtar leh.

Dhamaan masuuliyiinta kala duwan ee ka socday laamaha dawlada ee ka soo qayb galay xidhitaanka barnaamijka ay xarunta Beder soo xidhay ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyey maamulka xarunta daraasaadka mustaqbalka ee Beder, waxaanay ku amaaneen kaalinta ay dalka kaga jirto iyo faa’ida dhawaan laga heli doono xaqiijinta himilooyink iyo ku shaqaynta nidaamka Islaamiga ah.

Wasiirka diinta iyo aw-qaafta Sh Khaliil Cabdilaahi oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay xaflada ayaa sheegay in nidaamka cashuurta ee dawlada hadii qaab Zako ah lagu badalo ay faa’ido u ahaan lahayd shicibka iyo xukumadaba.