Luuqadda Ay Shinnidu Isugu Sheegto Waqtiga Cuntada Iyo Masaafadda Ay U Jirto

0
666

Saynisyahanno muddo baadhitaanno kala duwan ku samaynayey hab nololeedka bulshooyinka shinnida ayaa ku guulaystay in ay wax ka fahmaan qaababka ay isu afgarato shinnimada oo ah boqortooyo dhismaheeda iyo hab nololeedkeeda ay aqoon badani ku duugan tahay.

Daraasad ay sameeyeen xeeldheereyaal uu hor kacayey Roger Sketch oo ka tirsan qaybta cilmiga xasharaadka ee jaamacadda Virginia ee dalka Maraykanka ayaa caddaysay in xarakaadka iyo habka ay shinnidu u dhaqdhaqaaqdaa uu yahay habka ay isku afgarato.

Shinnida jaasaysa ujeedadeed?

Karl Von Frisch oo ku xeeldheer cilmiga habdhaqanka xayawaanka, sannadkii 1973 kiina ku guulaystay abaal marinta caalamiga ah ee Nobel Prize qaybteeda caafimaadka, ayaa cilmibaadhis uu sameeyey ku ogaaday in jaasku uu yahay afka ay shinnidu isku fahamto.

Muddada jaaskaas ay wadayso, iyo xoogga ay ku wareegayso, xawaaraha wareegga ay samaynayso iyo jihada wareegga ayaa uu mid kastaa xambaarsan yahay faham iyo macne dhammaystiran. Tusaale ahaan marka ay shinnidu doonayo cuntada, inta kale ee ku xeeranna ay ku baraarujinayso, waxa ay samaysa wareeg dhinaca saacaddu u wareegto oo kale ah, waa se marka cuntadu ay taallo meel aan kooxda ka fogayn. Haddii se cuntadu ka dheertahay, waxa ay u wareegtaa qaabka lambarka 8. Taas oo dhammaan xubnuhu fahmaan in cuntada waqtigeedii la joogo, goobta ay taallaana aanay ahayn halkan ay markaas joogaan. Waxa ay shinnidu intaas ku dartaa in ay dhaqaaqeeda ka dhigto dhinaca ay cuntadu ka xigto, si ay inta kale ugu dayato.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here