Dhaqanno U Muuqda In Ay Fududyihiin Oo Qofka Caadaysta Sumcaddiisa Dila (Qaybta 2aad)

0
646

Waa qaybtii labaad ee qormadii ka warramaysay habdhaqanno dadka qaarkii ula muuqda in ay fudud yihiin, oo la ogaaday in ay khatar ku yihiin xaaladda nafsiga ah ee qofka, tamartiisa iyo sumcaddiisa. Iyo tusaaleyaal ay xeeldheereyaashu u hayaan qofka doonaya in uu dabeecadahaas ka guuro.

Isla qumannaan

Waa dabeecadda aadamaha in la kala aragti duwanaado iyo in labada qof ay doodi dhex marto. Waa muhiim haddii dood iyo aragti is dhaafsi la isugu yimaaddo in aad aragtidaada si cilmi iyo caqli ku dhisan u difaacdo. Laakiin ha noqon qof mar kasta ku hawlan rumaynta fikirka uu qabo, xitaa haddii sheeko caadiya la wadaagayo. Ogow in dad kalana ay xaq u leeyihiin in ay aragtidooda muujiyaan, xitaa haddii aad adigu ka saxan tahay.

In dood kasta aad ku gacansarraysaa yaanay noqon ujeedadaada ugu weyni, balse ha noqoto in aad aragtidaada soo dhigto, xujadaadana caddayso xitaa haddii aanu qofka ku dhegeysanayaa ku qancin.

Wax kastaa ha ceeb la’aado

In hawlkasta oo aad qabanaysaa ay noqoto mid ceeb la’aan ah oo dhammaystirani waa arrin wanaagsan. Waana waxa ugu fiican ee ay aadamaha oo dhami ay hiigsadaan, marka ay hawl u dhaqaaqaan. Laakiin su’aasha muhiimka ahi waxa ay tahay, ‘Suurtagal ma tahay in wax kastaa ay ceeb la’aan ku dhammaystirmaan?!’

Jawaabta su’aashaasi waa ‘Maya’ oo dabeecadda adduunyada ayaaba sidaas caddaynaysa. Haddii aad ceeb la’aan wax kasta u raadisana waxa ay khubarada caafimaadku kaaga digayaan in waxa keliya ee aad ka faa’iidi doontaa uu yahay Khalkhal neerfeed iyo caafimaad darro.

Hawl kasta oo aad bilaabayso sida ugu quruxda badan u qorshe adiga oo aqoon iyo waayo-aragnimu u adeegsanaya, una talo badsanaya, laakiin ku sii talagal in shay kastaa uu fashilmi karo ama galdaloolooyin aan marka hore la sii filayn yeelan karo.

Dib u dhigasho

Hawl aad maanta qaban karto, berri ha u dhigan. Waayo, ma hubtid caafimaadkaaga berri iyo hawlaha kugu soo kordhi doona, ama xitaa noloshaada. Haddii aad arrimaha muhiimka ah dib u dhigato waxaa hubaal ah in si aanad dareemin aad u waayi doonto fursado badan oo muhiim u ahaan lahaa noloshaada ama taariikhdaada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here