Mujaahid Cali-Guray Oo Ka Digay Xaaladda Uu Dalku Ku Suganyahay, Madaxweyne Biixina Dusha U Saaray Wixii Somaliland Ka Qaloocda

0
721

Hargeysa(Geeska)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf ( Cali Guray ) ayaa dhaq-dhaqaaqyada haatan Socda ku tilmaamay kuwo 2022-ka waxii ka danbeeya Somaliland ka dhigaaya meel mustaqbalkeedu uu madow yahay.

Waxa uu sheegay in haatan danta gaarka ah laga horumariyay dantii qaranka isla markaasna Somaliland ay ku jirto xaalad u eeg in doorashooyinku ay soo istaagi doonaan taas oo  ka dhigi karta Somaliland filim dhamaaday oo lagu kala dareeray.

Cali Guray ayaa waraysi siiyay tilifishanka Horyaal waxaanu ku taliyay inta anay xeedho iyo fandhaal kala dhicin in caqligu shaqeeyo dadkana loo jiheeyo danta guud ee Somaliland, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi  “ Xaalada dalka ka warami maayo oo waanigii idinka maqnaa ila meeraysada ka meeraysaan ku jiray, rayi ayaan ku leeyahay ee anigu kuma dhex jiro siyaasada dalka oo idinka ayaa iiga war roon.”

Cali Guray oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Waxaan ka mid ahay  inta reer Somaliland rumaysan in nidaamkii xisbiyad badan iyo doorashooyinka tooska ah ay gabi ahaanba fashilmeen, aniga oo qudhana maaha ee inbadan oo indheer garadka ah oo aqoon yahanka ah Somaliland ah ayaa og, in nidaamkaasi gabi ahaanba fashilamay, nidaamkaasna waxaynu soo wadnay tan iyo wakhtigii aan dastuurka u codaynay, tobankii sanadood ee hore itaal aynu doonaba aan lahaanee  hore ayuu u socday haduu doono haba gaabiyee, tobankan sano ee danbena waxaan ku jirnay burburintiisa nidaamkaas doorashooyinka iyo xisbiyada badan, hada waxan jira ee aan xisbiyo ku sheegayno in aanay xisbiyo ahayn ee lufankii xisbiyada ka hadhay uu yahay waa la og yahay, doorasho Somaliland ka dhacaysa oo danbena ma jirtaba  aniga xagayga, hadii laga tagi waayo waxa wax laga wad-wadi karaa doorashooyin gollaha deegaanka ah oo aan la garanayan wakhtiga ay dhacayso, fursada ay haysataana  ay tahay 60% ama 70%, saddexda doorasho ee kale Somaliland ma dhacayaan ilaa 2022 oo ah wakhtiga ay ku simantahay mudo kordhintii  u danbaysee guurtida iyo sanadaha  ka sii danbeeyaba ma jiraan doorasho ka qabsoomaysa Somaliland oo sadexdaas ah.”

Waxa uu ka hadlay sida uu u arko furista ururada siyaasada “ Haduu qayb ka noqon lahaa barnaamij is wata oo lagu badbaadinaayo doorashooyinka iyo nidaamkan  iyo xisbiyada badan ee aan leeyahay waa uu fashilmay, waan ka mid noqon lahaa laakiin xaqiiqada ayaan ogahay oo maaha mid lagu badbaadinaayo nidaamkan dumay ee waxa uu ka dhashay ayaan is leeyahay khilaafka siyaasada ee ka dhaxeeya  madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaradka ah oo gaadhay heer  kii ugu sareeyay tan iyo 1997, hada waxay maraysaa hadii aynaan ogolaan mudo kordhintii guurtida  iyo komishankan riyo raac inay tahay waan idin burburinayaa, waxa leh madaxweynaha,  waxa kaliyaata ee ay ku badbaadayaana ay tahay inay labadaas qodob ee aan diin sheegay ay aqbalaan. Somaliland 2022-ka Somaliland mustaqbalkay ku socotaa waa madow. Reer Somaliland waxay ku socdaan meel aan la garanayan markaan ku leeyahay wax doorasho ah ma dhacayaan waxii aan ku wada joognay waa waxii aan ku heshiinay ee dastuurka iyo sharciga ku qoran tii markay isa soo xidho anigu ma garnaayo waxa ka danbeeya, mar waxaan is idhaahdaa waa dhamaadkii Somaliland  oo waxyanu ku jirnayba filin buu ahaa filimkana hadii The End uu soo baxo dadku kuraasta iskama fadhiyaan ee kadimadaa la boobaa  oo labadii is agfadhiyay ayaa midna kadinka waqooyiga ka baxaa midna kadinka koonfurta  Somaliland habqanka ku soo socda hadaan inta ay goori goortahay aan caqligu shaqayn oo aanay umaddan wadajirkeeda  ahmiyada koowaad yeelan, maanta ma lahee, maanta waxa leh in la kala adkaado waxa leh danaysiyada gaar ah, waxan laysku haysta oo dhami maaha dan guud, maaha Somaliland iyo wanaageeda, markaas inta danta guud ay danta gaarka ah mudnaanta ka leedahay Somaliland hoos ayuunbay u sii soconaysaa.”

Ugu danbayntii siyaasi cali Guray waxa uu dusha u saaray saadaalintiisan dhibta la socota madaxweynaha haatan “ Masuulka koowaad ee qaranku sow ma jiro, waxa alle iyo waxii ka xumaada dalka isaga ayaa alle qiyaamaha la waydiinayaa  imikana masuul ka ah,waxii u wanaagsanaadana isaga ayaa ajarkeeda leh, looma sinaan karo, isaga ayay u taalaa inuu dan yar oo gaar ah ku mashquulo iyo  inuu umadiisa midaysto.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here