Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inaanay Qorshaha Ugu Jirin Inay Mustaqbalka Dhow Qunsuliyad Ka Furato Caasimadda Hargeysa

0
548

Picture9Hargeysa(Geeska)-Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inaanay qorshaha ugu jirin inuu qunsuliyad ka furto Somaliland, waxase uu sheegay inay todobaad walba safar ku yimaadaan.

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Neil Wigan, ayaa isagoo ka jawaabaya su’aal uu twitterka ku weydiiyay muwaadin reer Somaliland ah oo ahayd inay qorshaha ugu jirto inay mustaqbalka dhow xafiis ka furan doonaan Somaliland, ayuu Danjiruhu yidhi, “Ma jiro wax qorshe ah oo uu Ingiriisku qunsuliyad kaga furanayo Somaliland. Laakiin toddobaad walba waanu joognaa halkan [Somaliland.”

Safiirkan oo dhawaan isaga iyo safiiro kale oo ka socda Midowga Yurub iyo Maraykanku ay Hargeysa ku yimaadeen safar, ayaa waxa kale oo uu bartiisa twitterka ku qoray in weftigaas ka socday Midowga Yurub iyo Maraykanku ay Madaxweyne Siilaanyo kala hadleen arrimaha doorashooyinka, “Hargeysa Maanta [25 November] anigoo la socda Maraykanka, Midowga Yurub iyo Talyaanigu waxaanu la kulanay Madaxweyne Silaanyo si aanu uga wada hadalno doorashooyinka Somaliland iyo horumarka.” Ayuu yidhi Danjire Neil Wigan.

Dhawr su’aalood oo safiirkan lagu celiyay oo ay ka mid ahayd in Madaxweyne Siilaanyo u damaanad qaaday inuu doorashooyinka ku qaban doono wakhtiga loogu tallo galay, ayaanu ka jawaabin.