Libiya: Somali la soo badbaadiyay

0
685

0,,15761502_401,00Tiripoli(Geeska/W.Wararka)-Ku dhawaad 100- ruux oo Tahriibayaal Soomaali ah ayaa shalay waxaa bad baadiyay Ciidamada badda ee Liibiya.

Tahriibayaashaani Soomaalida ah oo gaadhayay 90-ruux oo Soomaali ah ayaa waxa Dooni ay wateen doraad gelinkii dambe ay ku celidowday  badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga halkaasi oo habeen hore  oo dhan la sheegay inay ugu dhaxeeyeen nolol iyo geeri.

Waxase ay qaylo dhaan u direen Tahriibayaashaasi Ciidamada badda Liibiya iyo kuwa kale ee Talyaaniga si ay u bad baadiyeen, maadaama ay halis gashay Naftooda, waxaana durbadiiba bilowday gurmed ay bilaabeen Ciidamadaasi oo ay ku baadi goobayaan Tahriibayashaasi Soomaalida ah.

Waxaa suuro gashay in Ciidamada Badda Liibiya Muwaadiniintasi ay ka helaan meel u dhow Xeebaha dalka Liibiya, iyagoo saaran Dooni ka sameyneyd Baco halkaasi oo ay dadkii kasoo bad baadiyeen iyagoo uu ku dhacay qabow islamarkaana bad qaba.

Maaha markii u horaysay ee ay badda ku haligmaan tahriibayaal Somali ahi, waxase ay badda Liibiya iyo Talyaaniga u dhaxaysaa qabtaa dad tiro badan oo Somali ah.