Dagaalyahan keligii weerar qaaday

0
635

afghanistan2Mid ka mid ah dagaalyahanka xoogaga Taliban ee ka dagaalamaya wadanka Afgaanistan ee sida ba’an uga soo horjeeda ciidamada ajanabiga ee Mareykanku hogaaminayo ee gacanta siinaya xukuumada Madaxweyne Hamid Karzia ayaa weerar uu keligii qaaday, wuxuu ku eekeeyay ciidamada NATO, waxaanu  jiitay saxaafada dunida ka dib markii uu galay dagaal adag.

Dagaalyahankan ayaa la sheegay in uu kaligii weerar hubaysan ku qaaday saldhig ciidamada NATO ku leeyihiin gudaha wadanka Afgaanistaan, waxaana ninkan la sheegay in labada gacmood uu ku sitey qori oo nooca daran dooriga u dhaca ah ee loo yaqaan BKM, isagoo labadaasi qori oo uu ridayo la istaagey, isla markaana rasaastii ka dhacaysay labadaasi qori ee uu labada gacmood ku sitey la beegsadey xerada ciidamada NATO.

Warar laga helay dagaalyahanka Taliban iyo taliska ciidamada NATO ayaa lagu xaqiijiyey in ninkaasi oo aan magaciisa la sheegin uu ku dhintey weerarkaasi.

Dagaalyahankani, wuxuu muddo saacado ah la dagaalamayey ciidamada NATO, isagoo la taagnaa labada qori ee uu gacmaha ku kala sitey ee uu ugu dagaalamayey isagoo keli ah.