Shan Jeer Ayaa Uu Ku Guulaystay In Uu Noqdo Ninka Dunida Ugu Dhaqsiyaha Badan Garaacista Kombiuuutarka

0
682

Istanbul (Geeska) Cabbaas Ashkiin oo u dhashay dalka Turkiga ayaa noqday ninka ugu xawaaraha badan dhinaca garaacista (Wax-ku-qorista) Kombiyuutarka, 14 jeer oo is xigta ayaanu dalka Turkiga kaalinta koowaad ka galay garaacista loo adeegsado tobanka farood ee gacmaha. Halka dunida uu kaalinta koowaad 5 jeer ku guulaystay.

Wakaaladda wararka dalka Turkiga ee Anadool oo qortay warkan uu Geeska Afrika turjumay ayaa Ashkin ka soo xigatay in sannadkii 2002 uu garaacista kombiyuutarka oo tobanka farood ah si xirfad leh u bartay, markaas oo uu bilaabay dugsiga sare, kadibna xawaarihiisa iyo xirfaddiisa garaacistu ay sii horumartay markii uu galay jaamacadda Istanbul.

Jalaal Ashkiin waxa uu sheegay in uu adeegsado keyboard ka noociisa loo yaqaanno F oo uu sannadkii 1957-kii ikhtiraacay Ixsaan Sidqi Yanaar kadib markii uu daraaseeyey 300 oo kun oo kelmadood oo Turki ah, si Keyboard uu u waafajiyo qoraalka ereyada afka Turkiga.

Jalaal waxa uu sheegay in aanu ku kaaftoomi doonin 5 ta jeer ee uu horyaalka dunida u noqday xawaaraha garaacista Kombiyuutarka balse uu qorshaynayo in uu ka qayb galo tartanka soo socda oo sannadkan lagu qaban doono dalka Jarmalka, isaga oo ku rajo weyn in uu mar kale kaalinta koowaad galo.

Waxaa xusid mudan in Keyboard noociisu yahay F uu ka duwan yahay kan sida caadiga ah la isticmaalo oo Q lagu magacaabo, maadaama oo isaga si gaar ah loogu talogalay afka Turkiga, taasina ay qayb libaax ka qaadanayso in qofka afka Turkiga wax ku qoraya ee isticmaalaya Keyboard ka F uu ka xawaare dheereeyo kan isticmaalaya nooca Q. isaga oo Jalaal Arrintaas qirayana waxa uu sheegay in qoraalka hal saac ku qaata marka uu isticmaalayo Keyboard ka F uu 20 daqiiqo oo keliya ku dhammeeyo marka uu isticmaalayo Keyboard ka F lagu magacaabo.