Lammaanayaasha Is Guursanaya Ee Ingiriiska Oo Lagula Taliyey In Ay Marka Hore Iska Waraystaan Aragtidooda La Xidhiidha Ka Bixista Midowga Yurub

0
649

London (Geeska)- Culimada cilmi nafsiga ee dalka Ingiriiska ayaa dadka is guursanaya ee dalkaas kula taliyey in guurka ka hor ay iska waraystaan aragtiyaha ay ka kala aaminsan yihiin go’aanka ka bixista midowga Yurub ee uu dalkaasi qaatay. Waxa ay khubaradu sheegeen in weliba sida fiicani ay tahay in bilowga haasaawahodoa iyo ballantooda koowaadba ay su’aashaas is weydiiyaan.

Taladan ayaa timi xilli uu dalka Ingiriisku si aad u foolxun u qaybsanaa tan iyo sannadkii 2016 kii, markii boqolkiiba 52 dadka dalka ka mid ahi ay u codeeyeen in dalkoodu uu iskaga baxo midowaga Yurub, laakiin culayska ka imanaya boqolkiiba 48 dii diidanaa in laga baxo iyo intii ogolayd ka bixista oo ku heshiin waayey qaabka ugu habboon ee heshiis loogaga bixi karo ayaa noqotay arrin aad u kala fogeysay dadka dalkaas.

Erick Robinson oo ka tirsan jaamacadda Liverpool ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in mar kasta oo labada qof ee is guursanayaa ay aad isu sii bartaan ay tahay mar kasta oo uu mustaqbalkooda qoysnimo wanaagsanaado.

Robinson waxa uu ku taliyey in labada qof ay iska ilaaliyaan af-gobaadsiga iyo in mid kastaa uu intiisa fiican oo keliya muujiyo. Haddii uu qofku doonayo in xidhiidhka qoys ee uu bilaabayaa uu waarana looga baahan yahay in uu bilwoga isbarashadaba qofka weydiiyo su’aalo badan oo la xidhiidha dhinacyada nolosha, habdhaqanka iyo aragtiyaha siyaasiga ah. Haddii aan sidaas la yeelin ayaa uu Robinson sheegay in ay sababi karto in labada qof isbarasho ama guur kaddib uun isku arki karaan arrimo oo mid kastaa kan kale ku diidi karo.

Rabinson waxa uu sheegay in aragtiyaha siyaasiga ah ee is khilaafsani ay khatar gelin karaan xidhiidhka lammaanaha is qaba, gaar ahaan marka ay dhalinyaro yihiin, oo laga yaabo in aragtida ay ku kala duwan yihiin bilow u noqoto khilaaf ka dhex abuurma.

Daraasaddu waxad ay sheegtay in boqolkiiba 22 dadka kala tagaa ay ku kala tagaan khilaaf sababtiisu tahay kala aragti duwanaanshiyo siyaasadeed. Waxa kale oo uu Rabinson ku taliyey in labada qof ay guurka ka hor si fiican isaga waraystaan aragtiyahooda la xidhiidha qaab isticmaalka dhaqaalha, aragtiyahooda deegaanka ay ku noolaan karaan, iwm.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here