China Oo Dhisay Masaajidka Saddexaad Ee Ugu Weyn Adduunka, Oo Ay Ku Baxday Lacag Ka Badan $1 Bilyan

0
879

Aljeris (Geeska)- Toddoba sano oo la dhisayey iyo dhaqaale ka badan 1 Bilyan oo doolar oo ku baxay dhismihiisa, kaddib waxaa la furay masaajidka ugu weyn Afrika oo uu dalka Shiinuhu ka dhisay dalka Aljeeriya.

Masaajida weyn ee Aljeris ama ‘Masjid Jaamaca El-Jasaa’ir’ waxa uu ku fadhiyaa dhul badkiisu dhan yahay 400 oo kiiloomitir oo isku wareeg ah, waxa aanu leeyahay minaarad dhererkeedu dhan yahay 265 mitir oo leh qolal loogu talagalay korjoogtaynta ammaanka masaajidka.

Masaajidka qaybtiisa qaabka qudbiga u dhisay iyo barxaddiisa dambe oo eegaysa gacan-biyoodka Aljeris waxaa halkii marba ku cibaadaysan kara 120 kun oo qof, waxa aanu leeyahay goob baabuurta in la dhigto loogu talagalay oo dhulka hoostiisa ah oo qaadaysa 7 kun oo gaadhi.

Masaajidka waxa kale oo ku lammaan dhisme loogu talagalay dugsi lagu barto Qur’aanka KAriimka ah, rug kutubta lagu kaydiyo, hudheel cuntada laga cuno, xarun lagu sameeyo cilmibaadhista taariikhda Aljeeriya iyo masrax weyn oo bandhigyada, maaweelada iyo ciyaaraha loogu talagalay.

Masaajidkan oo hadda la dhammaystiray ayaa noqonaya masjidka saddexaad ee ugu weyn adduunka marka la eego dhulka uu ku fadhiyo, iyo masaajidka ugu weyn qaaradda Afrika. Taas oo macnaheedu yahay in ay ka weyn yihiin oo keliya labada masaajid ee barakaysan ee  kala ah masaajidka Kacbada ee Maka iyo masaajidka Nebiga (SCW) ee Maddiina.

Waxa kale oo uu masaajidkan caan ku noqonayaa in minaaraddiisa oo jooggeedu uu yahay 204 Mitir ay tahay minaaradda ugu dheer Afrika oo dhan. Taas oo minaaradda Masaajidka Boqor Xasanka labaad ee dalka Marooko oo Afrika ugu dheerayd ku soo celisay kaalinta labaad.

Masaajidkan waxaa dhistay shirkadda dhismaha iyo Injineeriyadda ee dalka Shiinaha oo ay dawladdu leedahay, laakiin ah shirkad adduunka oo dhan ka dhista dhismeyaasha iyo warshadaha waaweyn. Sannadkii 2011 kii ayaa ay shirkaddu ku guulaysatay mashruucan, waxa aanu noqday mashruucii dhisme ee ugu weynaa ee ay ka fuliso meel ka baxsan dalka Shiinaha.

Dhismaha masaajidkan ayaa ay dadka gorfeeyey ku tilmaameen in uu qayb ka yahay mashruuc ay dawladda Shiinuhu ku soo dhoweysanayso dunida muslimka, isla markaana iskaga maydhayso dhalleecaynta joogtada ah ee ay dunida muslimka iyo adduunka kalaba kagala kulanto qaabka ay ula dhaqanto muwaadiniinteeda muslimka ah. Si kastaba ha ahaato ee furitaanka masaajidkan qiimaha badan kama qaybgeli doono ninkii lahaa fikirkiisa dhaqaalahana ku bixiyey hirgelintiisa oo ah madaxweynihii hore ee dalka Aljeeriya Cabdalcasiis Bu-Tafliiqa oo is casilay ka hor furitaankiisa, kaddib markii ay dadka dalkiisu kala hor yimaaddeen gadood ay ku diidan yihiin xukunkiisa uu dhammaadka u yeeli waayey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here