Gabadh Qalniin Dhabarka Ah Lagu Sameeyey Oo Saddex Sano Kaddib Ogaatay In Kelli Laga Jaray

0
605

Washington (Geeska)- Haweenay 51 sano jir ah oo lagu magacaabo Maureen Pacheco ayaa dacwad ku soo oogtay cisbitaal ku yaalla gobalka Florida ee dalka Maraykanka oo mar ay dhabar xanuun u tagtay, qalad ka dhacay dhakhtarkii xaaladdeeda eegayey sababay in ay labadeeda kelyood mid weydo.

Dr. Ramon Vazquez oo ku xeeldheer qalniinada ayaa gabadhan ku samaynayey qalniin uu kaga shaqaynayey lafdhabarta, laakiin waxa uu qalad weyn ku dhacay markii inta uu arkay mid ka mid ah labada kelyood ee gabadha uu qalayey, uu u qaatay in uu yahay buro kansar oo aan weli dhaafin xilligii qalniinka, kaddibna uu jaray.

Kelida uu Dr. Ramon burada mooday ayaa ah kelyaha u samaysan qaabka afka ingiriisiga lagu yidhaahdo “Pelvic Kindey) oo ah kelida oo aan ku samaysnayn halka dabiici ahaan lagu bartay, balse dhinaca miskaha qabatay.

Nasiibdarro gabadhani ma’ay dareemin in kelideeda si qalad ah loo jaray Bishii Abriil ee sannadkii 2016 ka, laakiin hadda oo saddex sano laga joogo ayaa ay si kedis ah uga ogaatay cisbitaal ay baadhis caadiya ka samaynaysay.

Maureen Pacheco oo wargeyska Washington Post ee ka soo baxa Maraykanka la hadashay ayaa Dr. Ramon ku eedaysay in uu hubsiimo la’aan nolosheedii ku qaatay. Haddii uu si fiican ugu fiirsan lahaa sawirka kombiyuutarka ee loo dhiibayna uu qaladkaas ka feejignaan kari lahaa.

Maureen waxa ay muujisay cabsida ay ka qabto in ay xaaladdeedu qasabto in mustaqbalka lagu sameeyo qalniin kelli loogu beerayo, arrintaas oo ay imikaba fulinteeda ka warwareegayso.

Qaladaadka noocan ah ayaa la sheegay in ay aad ugu soo noqnoqdaan cisbitaallada dalka Maraykanka, tusaale ahaan intii u dhexeysay bilihii afaraad sagaalaad ee sannadkii hore waxaa la diiwaangeliyey 96 qalniin oo qaldamay. Kuwaas oo ay ka mid ahayd dumar si qalad ah looga jaray ogxaan sida, iyo kuwo si hubsiimo la’aan ah naaska looga jaro, kumana koobna labadaas oo keliya.

Dr. Ramon Vazquez oo qaladka uu galay ka hadlay ayaa isku difaacay in dhibaatadu ay ka timid cisbitaalka gobalka Wilington ee baadhista hore ku soo sameeyey gabadhan oo aan u sheegin in ay leedahay miskaha dhex taalla, sida oo kale taariikhda caafimaad ee gabadhan oo loo gudbiyey aan marnaba lagu sheegin xaaladdan.

Si kastaba ha ahaato ee wasaaradda caafimaada ee Florida ayaa maxkamadda u gudbisay dacwad ka dhan ah Dr. Ramon Vazquez. Taas oo haddii lagu helo sababi karta in uu mutaysto ciqaab gaadhi karta in uu waayo rukhsadda ku shaqaynta dhakhtarnimada iyo in la ganaaxo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here