Lamaane Safiiro Ah Oo Mar Ka Wada Goostay Dalka Suriya Iyo Dagaaladii Oo Socda

0
580

asadDoxa(Geeska)-Safiiradii dalka Suuriya u joogay dalka Imaaraadka Carabta iyo Jasiirada Qubrus oo ah lamaane is qaba ayaa ka goostay dawladda Suuriya una goostay dhinaca Mucaaradka hubaysan, waxaanay gaadheen magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Labadan lamaane oo kala ah Cabdelatif al-Dabbagh oo ahaa safiirka Suuriya ee Imaaraadka Carabta iyo xaaskiisa Lamia al-Hariri, oo iyaduna ahayd safiirka Suuriay ee Qubrus, waxa goosashadooda cadeeyay afhayeenka mucaaradka Suuriya ee hubaysan, oo sheegay inay labaduba ku suganyihiin magaalada Dooxa ee dalka Qatar, waxaanu sheegay inay qayb ka noqon doonaan dagaalka lagaga soo horjeedo Madaxweyne Bashaar.

Safiirka Qubrus ee goostay oo ah haweenayada lagu magacaabo Lamia al-Hariri, ayaa ah Suni Muslim ah oo ka soo jeeda gobalka Dera oo ah deegaanada ay kacdoonada Suuriya ka bilaabmeen, ayaa waxa ay seedi yihiin Madaxweyne xigeenka Suuriya.

Waxa iyaguna hore xukuumadda Madaxweyne Bashaar Al Asad uga goostay diblomaasiyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin safiirkii Suuriya ee Ciraaq Nawaf Al Faris iyo kuwo kale oo dhammaantood gaadhay dalka Qatar.

Geesta kale, dagaaladii ka socday Suuriya ayaa meel qadhaadh maraya, waxaanay ciidamada dawladu weerarayaan kooxaha mucaaradka ah si ay dib uga qabsadaan deegaanadii ay hore ugala wareegeen.

Iska hor imaadyo ayaa wali sii socdo Syria magaalada Aleppo, iyadoo ciidamada dowladda ay tagayaan magaalada si ay uga saaraan mucaaradka Aleppo. Mucaaradka ayaa sidoo kale iyagana u diraya ciidamo Aleppo.

Mucaaradka ayaa sheegay kumanaan ciidamada dowladda oo taangiyo wato inay u soo socdaan Aleppo oo ay ka imaanayaan Idlib.

Turkey ayaa ku dhawaaqday inay xayiraad ku soo rogtay xudduuda ay la leedahay Syria. Qaxootiga reer Syria ayaa loo ogolaan doonaa inay soo gudbaan, laakin dadka Turkiga ayaan loo ogolayn inay ka gudbaan xudduuda.

Xayiraad ayaa sidoo kale lagu soo rogay baabuurta alaabada qaada taasoo macnaheedu yahay cunaqabatayn dhaqaale ee lagu soo rogay Syria.