Muqdisho: Shirkii Distoorka Somaliya Oo Shalay Furmay

0
524

somlialdMuqdisho(Geeska)-Waxa shalay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya ka furmay shirka Ansixinta distoorka oo socon doona sagaal maalmood, waxaana furitaankiisa ka qayb galay Madaxweynaha Somaliya iyo masuuliyiin kale oo ka socday wadamada jaarka iyo Qaramada Midoobay.

Boqolaal ergooyinka odoyaasha Soomaaliya ayaa kulan uu uga bilowday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho si ay u ansixiyaan dastuurka cusub ee dalka Soomaaliya yeelan doono.

Waxaa garab socda tallaabadaasi, dukheyda Soomaalida oo isla mar ahaantaa soo xulaya 275 xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasi oo iyaguna dooran doona Madaxweyne cusub.

Ugu horayn waxa shirka ka  hadlay Raysalwasaaraha Cabdiweli Maxamed Gaas, "Dastuurkan waa mid ka tarjumaya mustaqlka Soomaaliya, waana qodobka ugu muhiimsan qoshaha looga baxayo xiliga KMG ah marka la gaaro bisha Ogoosto ee Sanadkan," ayuu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ku yidhi hadalkii uu ka jeediyay furitaanka shirka.

Danjire Augustine Mahiga oo isaguna hadal ka jeediyay, ayaa soo jeeiyay inaan la iloobin saamiga ay haweenku ku leeyihiin dowlada, isagoo sheegay in shirkan lagu qabto Muqdisho ay dadaal badan u soo galeen, ayna ugu dambeyn ku guuleysteen.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa isna soo dhaweeyay shirkan oo uu sheegay inuu wax weyn ka bedeli doono Somaliya.

Sheekh Shariif wuxuu odayaasha ka dalbaday inaanay  iloobin haweenka, isagoo ka dalbaday odayaasha in dadaal fara badan geliyaan ansixinta dastuurka, isagoo sheegay inay taasi sharaf u tahay.