Xogta Muwaadin 2aad Oo Ka Badbaaday Xasuuqii Jasiira

0
622

Akhristayaal, intiinii la socotay waxa cadadkii Axadii dhammaaday,  qisadii murugada lahayd ee uu xasuuqii xeebta Jasiira kaga waramayay muwaadinkii keli ahaa ee ka badbaaday xasuuqaas oo ahaa Cumar Muse Mire. Haddaba, waxaanu isna laga bilaabo cadadka maanta idiin soo gudbinaynaa xusuus kale oo ku saabsan muwaadin labaad oo isna habeenkaas ka badbaaday xasuuqaas Jasiira kaas oo laga badbaadiyay in la raaciyo raggii la daabulay da’diisa oo yarayd dartii. Muwaadinkaas oo uu magaciisu yahay Aadan Cabdi oo degen magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska, waxaanan warbixintiisa baahinay bishii December ee kal hore, waxaanu yidhi, Walaalayaal waxaad iga gudoontaan salaan sharaf iyo tolnimo ku dheehantay waxaa Allaah qafuurul raxiimka ahi igu ogyahay inaan markhaati ka ahaa  habeenkii xasuuqii JASIIRA inanta Sahra ee arrintan dhawaan kaga hadashay Wargeyska Geeska Afrikana,  waan garanayaa oo wado qudha ayaanu wada deganayn inamadaa ay sheektayna asxaab baanu ahayn.”

Mr. Aadan, waxa uu sheegay inay ciidamadii galeen gurigii uu ku jiray dabadeedna lala baxay, waxaanu yidhi, “Waa layla soo baxay habeenkaa  nin sarkaal ahaa oo Cibraan ahaa iyo Canjeex ayaa guriga noogusoo galay aniga ayayna ila soo baxeen. Nin askari ahaa oo aanu guriga dhexdiisa isku jikaarney markii ay soo galleen oo iska dhigayay inay wax baadhayeen, ayaa layga reebi kari waayey  markii ay dhameeyeen baadhistii ayuu igu yidhi intuu qoriga dabadiisa laabta igaga dhuftay ‘soo bax waraa anigoo guntan go’ yar ayay hooyaday kutidhi waar xagaad inanka yar u wadata markaasuu yidhi geedkaan geed kharaar waaye. Waxa guriga nagasoo horjeedey deganaa nin la odhan jiray qoorgaab oo ahaa [reer-weyd]ninkaasi wuxuu ahaa nabadsugid la shaqeyn jirey Ismaaciil cali Abokor oo markii la xidhay isna buulka laga dhigay nimankana way is garanayeen labada nin ee madaxda ah, gurigiisana waxaa deganaa laba inan oo midna adeerkay ahaa midna abtigay’ askartana guriga markuu QOORGAAB KAFURAY ayay isgarteen markaa mabay baadhin laakiin nin aad u feejigan buu ahaa oo markay noo soo galeen albaabkiisa dushiisa ayuu ka eegayey labadayada guri dhexdooda oo ay wadadu ka bilaabmayseyna  oo dhinaca kalena ay naga xigtey-FILA BAYDHABO-oo ahayd dhul weyn oo laga qaaday ala ha u naxariistee-ina cigaal ayaa waxaa ka buuxey askar aad ubadan markuu qoorgaab arkay inay ilasoo baxeen ayuu markiiba guriga deg-deg ku furay oo ku yidhi waar Canjeexoow inanka abti baan u ahay markaasuu ku yidhi gal gurigaaga Qoorgaabow askartuna gidaarada guryaha iskasoo horjeeda ayay saa u wada raacsanaayeen iyagoo wada sita [RBDHEE] markaasay qoorgaab kula boobeen oo ku yidhaahdee gal gurigaaga waraa qoorgaab markaasuu gurigii soo xidhay.”

Intaas ka dib maxaa dhacay, waxa ka sheekaynaya Mr. Aadan, waxaanu yidhi, “Anigoo go’ii yaraa guntan oo banaanka taagan ayuu markaa dhagarqabe Canjeex intuu igu soo jeestey ayuu surka looto igaga dhuftay markaasaan ku dhacay albaabkii ganjeelka ahaa ee gurigayaga markaasay intii dhexdu furantay go’ii oo aan ku duulay guriga dhexdiisa minjuhuse banaanka ayay iyaaleen hooyaday iyo laba hablood oo aanu walaala nahay ayaa soo cararay markaasuu lugaha isoo qabtay oo dib ii soo saaray aadna runtii wuu u sakhraansanaa dhagarqabe Canjeex gaadhigaana laygu tuuray….La soco…