Labadii Ciyaartooy Ee Somaliya Uga Qayb Galay Olambikada Oo Is Dhiibay

1
557

 

waloLondon(Geeska)-Labadii orodyahan ee Somaliya uga qayb galay tartankii orodada ee ciyaaraha Olambikada ee ka socday magaalada London, ayaa magangelyo weydiistay dawladda Ingiriiska, waxaanay cadeeyeen inay doonayaan inay Ingiriiska iska dhiibaan oo aanay Somaliya ku noqonin.

 

Labada ciyaartooy oo kala ah Samsam Maxamed iyo Maxamed Xasan Maxamed,  oo shalay shir saxaafadeed ku qabtey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingriiska ayaa sheegey in ay heleen hanjabaado kala duwan oo uga yimidgudaha dalkii ay u ciyaarayeen ee Soomaaliya sidaas darteed ay masuuliyiinta UK ka codsadeen in ay ku noolaadaan Ingriiska ama la geeyo dal kale oo amnigoodu ku sugnaan karo.

Zamzam iyo Maxamed ayaa sheegey in hanjbaaado loo soo mariyey Facebook taas oo lagu yidhi shaqo ayaa la idinka qaban doonaa, Zamzam ayaa sheegtey in reerkoodi lala xidhiidhay oo loogu dhiibay farriin hanjabaad ah.

“Anagu waxaan go’aansanay inaan halkan iska joogno ama meel amaan ah nala geeyo, waayo hadda kuma laaban karno Soomaaliya maalin dhoweyd xitaa waxa la dilay majaajileystihii Marshaale” ayuu yidhi Maxamed Xasan oo ahaa wiilkii ku orday 1500Mitir magaca Soomaaliya balse guuldaraystay.

Ilaa hadda lama cadayn inay dawladda Ingirisku aqbashay codsiga labada ciyaartooy oo ay iyadu fiisoonka ugu gaysay Muqdisho.

Go’aanka ay labada ciyaartooy qaateen ayaa ceeb ku noqon doona ciyaartoyga dalka Somaliya ee hawlaha ciyaaraha kala duwan u taga dalalka reer galbeedka, oo aan dib loo aamini doonin.

Comments are closed.