Cabdillaahi-Cirro Oo Cadeeyay Inuu Ka Baxay UDUB, Rayaalena Ku Gacan Saydhay Guddi Uu Ku Daray

0
435

 

ciroHargeysa(Geeska)-Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumadii hore, ayaa si rasmi ah u cadeeyay inuu iska casilay xubinimadii xisbiga UDUB, islamarkaana waxa uu qaadacay guddiyo uu magaciisu ku jiray oo loo sameeyay xisbiga UDUB.

 

Md. Cirro, oo daba socday war ay warbaahintu dhawaan qortay oo sheegayay in Guddoomiyaha UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin uu Cabdillaahi-Cirro, ku daray guddiyo uu xisbiga u sameeyay, ayaa wuxuu sheegay inaan guddigaas lagala tashan, waxaanu intaas raaciyay inuu xisbiga UDUB faraha kala baxay ka dib markii ay guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisu ka gaws adaygeen dhexdhexaadin ay isaga iyo masuuliyiin kale oo xukuumadii hore ka tirsanaa isku dayeen inay ka dhex bilaabaan “Aniga guddigaas la magacaabay la igalama tashan, kumana jiro.” Ayuu yidhi Cabdillaahi-Cirro oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu isagoo ka hadlaya xubinimadiisii UDUB uu intaas raaciyay, “Anigu UDUB waan ka baxay, xisbi kale iyo urur kalena maan gelin.”

Wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumadii hore, wuxuu sheegay inuu dhex u ahaa labada garab si ay isugu soo dhawaadaan, balse aanu garabna la socon mar haddii wada hadaladii guuldaraysteen, “Anigu labada garab midna kama tirsani, xisbigiina waan ka baxay.” Ayuu yidhi.

Geesta kale, Samsam Maxamed Cige, oo ka tirsanayd xisbiga UDUB oo uu iyadana magaceedu ku jiray guddi uu Rayaale u magacaabay warfaafinta xisbiga, ayaa mar ay Geeska Afrika la soo xidhiidhay waxay sheegtay.