Marwo Edna Aden Oo Si Wadaniyad Leh U Difaacday Dhalashada Mo Faarax

0
509

 

Edna aadanHargeysa(Geeska)-Marwo Edna Aden Ismaaciil, ayaa difaacday dhalashada orodyahanka caanka ah ee asal ahaan u dhashay Somaliland balse haysta dhalashada dalka Ingiriiska Mr. Mo Faarax, oo toddobaadkii hore ku guulaystay tartanka orodada ee 10,000 mitir, isagoo ka qayb galaya tartanka ciyaaraha Olambikada ee ka socda dalka Ingiriiska.

 

Mr. Mo Faarax, oo ku dhashay magaalada Muqdisho, ayaa qaar ka mid ah warbaahinta caalamku marka ay warbixinaha ka qorayaan waxa ay sheegeen inuu u dhashay dalka Somaliya. Laakiin Marwo Edna Aden oo toddobaadkan u warantay Wargeyska The Guardian oo Hargeysa u soo diray weriye qoyska Mo Faarax ka soo diyaariya warbixin, ayaa waxay sheegtay inuu Mr. Mo Faarax ku dhashay magaalada Muqdisho balse aanu u dhalan, "Mo Farah laga yaabe inuu ku dhashay Mogadishu,  maadaama in badan oo reer Somaliland ahi ku dhasheen  halkaa, kuwaas oo ka shaqaynayay amaba ku noolaa markii ay Somaliland iyo Somaliya dalka qudha ahaayeen,  laakiin, maaha reer Somaliya. Waxuu ka soo jeedaa Somaliland, waa qabiilka Isaaq oo Jibriil Abokor ah oo reer Somaliland ah.” Ayay tidhi Edna Aden Ismaaciil, waxaanay sheegtay inay bulshada reer Somaliland si weyn u farxeen markii uu Mo Faarax guusha hantiyay, "Shacabka reer Somaliland way ku farxeen una dabaaldegeen guusha Mo, inkastoo uu Ingiriiska u ordayo, waa mid annaga ah, guushiisana waan soo dhoweynaynaa."

Mr. Mo Faarax, ayaa qabsaday warbaahinta caalamka ka dib markii uu dalka Ingiriiska u soo hooyay guul taariikhi ah.