Labada Rah Ka Weyn Cun: Talooyin Iyo Waayo-Aragnimo Kaa Caawinaya In Aad Hawlahaaga Guul Ku Dhammaysato

42
4035

Cagajiid iyo niyadda oo aaminta in shaqadu ku badan tahay ayaa ka mid ah sababaha dib u dhaca ku keena hawlqabashada qofka. Mark Twain oo ahaa qoraa iyo macallin jaamacadeed caan ahaa oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa mar uu dadka ku dhiirrigelinayey sida ugu habboon ee ay uga fogaan karaan ka cagajiidka shaqada waxa uu reebay hal-ku-dheg macnihiisu ahaa, “Subaxda hore raha nool cun, wax ka xun oo maalinta inta hadhay aad la kulmi doontaa ma jiro”

Twain waxa uu ogaa in aanay jirin hawl ka xun in qofka shaqo looga dhigo in uu rah nool cuno, laakiin haddii shaqadaadu ay taas noqotay, hore isu dhaafi oo weliba hadday laba rah yihiin ka weyn ku bilow subaxda horeba ayaa ay taladiisu ahayd. Haddii shaqada laguu diray teeda ugu dhibta iyo yaq-yaqsiga badan ku bilowdo inta aanad hawlkalaba u jeesan ayaa keenaysa in shaqooyinka kuu hadhay oo dhami noqdaan kuwo naftu ku dhiirrato oo weliba iyada oo ka raalli ah ay dhaqso u samayso.

Qoraagaa iyo dhiirrigeliyaha horumarinta nafta ee lagu magacaabo Brian Tracy ayaa si qoto dheer u sii lafaguray, halkudheggan cunista raha, isaga oo weliba qoray buug uu isla rahan la cunayo sumad uga dhigay. Buuggiisa ‘Eat that Frog’ (Rahan cun) oo ka mid ahaa buugaagtii waqtigiisii loogu iibsiga badnaa, waxa uu ku soo bandhigay habab aad u heersarreeya oo lagaga hortegi karo cagajiidka iyo culayska marar qofku dareemo ee shaqada dib dhiga.

Brian Tracy waxa uu magacan buugga ka soo dheegtay, halkudheggaas uu ka tegey Mark Twain ee ahaa “Subax kasta cun rah nool, wax ka xun kuguma dhici karo maalintaas inta ka hadhay” oo uu ka wado in hawsha ugu foosha xun ama ugu dhibta badan oo aad waajibaadkaaga shaqo ku bilowdo, adiga oo weliba nafta ku qasbaya in ay qabato, ay keenayso in hawlaha kale ee maalintaas kuu yaallaa ay nafta ugu muuqanayaan kuwo sahal ah oo ay dhaqso u qaban karto.

Ugu horeyna Tracy oo sharraxaya magaca buuggiisa ayaa ku sheegay ujeedada raha cunistiisu in ay tahay in nafta aad ku qasabto hawsha ay ka cagajiidayso oo weliba aad caado ka dhigato in shaqo kasta oo kuu taalla aad ka bilowdo qaybteeda ugu dhibaatada badan ama naftu qabashadeeda diidayso. “Dadka guulaysta ama waxtarka yeeshaa waa kuwa shaqadooda qaybta ugu muhiimsan toos u bilaaba, ee naftooda ku qasba in ay si deggen oo maskax iyo Samir leh u waddo shaqadaa illaa inta ay ka dhammaystirayso” ayaa uu qoray Tracy.

Talooyinka muhiimka ah ee uu Tracy ku qoray buuggiisa ‘Eat That Frog’ oo uu mid kasta ku bilaabay erey kooban oo maskaxdu qabsan karto, waxa aynu ku soo koobnay:

  1. Miiska diyaari

Marka koowaad naftaada la go’aami waxa aad dhab ahaan u baahan tahay in aad qabato, ama hawlaha kuu yaalla iyo halka aad hiigsanayso in aad gaadho. Kaddib warqad ku qor hawlahaas oo aad u soo kala hormarinayso sida ay kuugu kala muhiimsan yihiin, adiga oo aan eegayn sida ay u kala fudud yihiin. Hawl kasta waxa aad ku hor qortaa taariikh aad doonayso in aad dhammaystirto ama in aad gaadho ujeedkaas.

Naftaada ku qasab in aanay marnaba dhaafin muddada ay hawshaas dhammaystirkeeda u qabsatay, maalin kasta samee hawl fudud oo aad ogtahay in ay kugu dhoweynayso gaadhista hawshii cuslayd ee kuu taalla ama ujeedkii aad u socotay.

  1. Maalintaas hore ka sii qorshee

Halkani sharax badan uma baahna, keliya soo qaado warqad iyo qalin, oo bilow in aad qorto dhammaan hawlaha aad doonayso in aad qabato 24 ka saac ee kugu soo fool leh, adiga oo u dhigaya sida ay u kala muhiimsan yihiin, kaddib bilow hawsha qabashadeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here