“Xadhigii Muniir Wuxuu Ka Soo Horjeeday Xornimada Muwaadinka, Saxna Maaha In Awood Dawladeed Laysu Adeegsado” Jirde Maxamed Faarax

0
563

Hargeysa(Geeska)-Jirde Maxamed Faarax oo kamid ah sarakiisha Xisbiga WADANI ayaa ka hadlay xadhigii Xabsiga loogu taxaabay Guddoomiyaha war baahinta Somalilandtoday Media Group, Muniir Axmed Cigaal.

1

Mud. Jirde oo waraysi siiyay Shabakadda wararka ee Somalilandtoday.com ayaa hadalkiisa ku bilaabay. "Waxaan ka hadlaaya xadhigii Muniir Axmed Cigaal, ee sida cadaalad darada ah xabsiga loogu tabaaxay, horta marka horeba adeegsiga awoodaha dawladeed loo adeegsado Muwaadinka sifo aan sharcigu dhigayn iyo in laysu dawladeedyo wax aan xumaan ahayni kama dhashaan. Qof kasta oo rer Somaliland ahina waa u xor in la doorto cidna uu doirto, sidoo kale waa u xor rayigiisa iyo fekerkiisa shakhsiga ah." Jirde Maxamed Faarax oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi, isagoo intaas raaciyay  "Dalkeenu wuxu qaatay nidaamka Dimuquraadiga ah ee Axsaabta badan, oo dhigaaya inuu Muwadinku rayigiisa u xoryahay, degaanka uu doono haka soo jeedo xaqna uu u leeyahay in aan lagu cadaadin, laguna dirqiyin wax aan rabitaankiisa ahayn, inanka iyo aabihii ayaa kala mawaaqif noqon kara. Marka runtii anigu xadhigaas mid siyaasadeed ayaan u arkaayay, waaayo sabab danbi oo habkii loo qabtay Muniir iyo xadhigaasba dhaliyay maan arkayn, awooda dawladuna waa inay dadka u dhaxaysa oo aanay cid gaar ahi is xigsiin ama qof aad kala rayitihiin loogu adeegsan, sababtoo ah bari ayuu xilku dhammaanaya ummadda ayaa hadhaysa iyo tariikhda". Sidaa ayuu hadalkiisi ku soo xidhay Mud. Jirde Maxamed Faarax oo ka tirsan sarakiisha Xisbiga WADANI.