La Taliyaha Madaxweynaha Iiraan Iyo Masuuliiyiin Kale Oo Ku Taliyey In Ma’ Dhalays Laga Dhigo Dumarka Faqiirka Ah

0
587

Tahraan (Geeska)- Kaaliyaha arrimha haweenka u qaabilsan madaxweynaha dalka Iiraan Xasan Rawxaani ayaa dhowaan soo jeedisay in dumar faqiir ah oo deggen goob xabaalo ah oo ku taalla caasimadda Iiraan laga dhigo ma dhalays. Arrintan ayaa ka dambaysay muran ka dhashay boqolaal dad faqiir iyo dib-jir ah isugu jira ah oo koonfurta magaalada Tahraan xabaalo ku yaalla kadhigtay hoy, ay ka gabboodsadaan dhaxanta iyo roobabka.

1

Soo jeedintan oo ay warbaahinta dalkaasi si aad ah u naqdiday, ayaa sida lagu sheegay war uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya aan ahayn mid ku kooban Shahyndakhat Malawardi, balse ah fikir ay la qabaan qaar ka mid ah masuuliyiinta magaalada caasimadda ah ee Tahraan iyo weliba wakiillo ka tirsan haayad caafimaad oo uu maamulo baarlamaanka Iiraan, waxa aanu fikirku ka soo dhex baxay kulan muhiim ah oo ay masuuliyiintani ku gorfaynayeen qadiyadda dadkan faqiirka ah ee gabboodka ka dhigtay xabaalaha, iyada oo ay masuuliyiintan qaar badan oo ka mid ahi hoosta ka xariiqeen aaminsanaantooda ah in guud ahaanba dumarka bulsho ahaan dhibaataysan sida dibjirka iyo faqiirka si abadiyo ah looga mudo dhalmada si looga hortago in ay dhalaan ubad  badan oo sii kordhiya tirada dib-jirka.

Sayaawish Shaharyoor oo madax ka ah waaxda arrimaha bulshada iyo dhaqanka ee degmada Tahraan ayaa mar uu warbaahinta la  hadlay waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waa in dumarka dibjirka ah ee hoyga ka dhigtay xabaalaha iyo shaaracyada caasimadda lagu qanciyaa in dhalmada laga joojiyo. Si looga hortago taranta oo sii badata, taas oo sababi karta masiibo bulsho”

Madaxweynaha Iiraan Xasan Rawxaani ayaa isna dhankiisa sheegay in uu aad uga  xun yahay dhacdadan faqiirka ku soo badanaya shaaracyada iyo xabaalaha, laakiin ma’ uu sheegin wax xal ah oo uu arrintan u hayo. Madaxweynaha ayaa hadalkan yidhi mar uu ka jawaabay warqad furan oo uu hawada u mariyey jilaa caan ah oo u dhashay dalka Iiraan, “Mudane  Madaxweyne, ma aqbali kari lahayd in qoyskaaga ama cid ehelkaaga ka mid ahi ay hoy ka dhigato xabaalaha, oo ay shaaracyada kartoonno gogladaan” ayaa uu qoraalkiisa ku yidhi jilaagan oo lagu magacaabo Asqar Farhaadi.

Maalmihii u dambeeyeyna waxaa raayul caamka Iiraan ku dhex wareegayey hadallo laga soo dheegtay warmurtiyeed uu wadaadka ugu sarrreeya dalka Iiraan, Al-Aclaa Cali Khamanaii ku sheegayo in la soo gaadhsiiyey warbixinno sheegaya in ay jiraan dad xaalad laga naxo ku nool oo hoy ka dhigta xabaalaha.

Duqa  magaalada caasimadda ah ee Tahraan Maxamed Baaqir Qalibaaf ayaa bishii tobnaad ee sannadkan sheegay in dad tiradoodu ay ka badan tahay 15 kun oo h muwaadiniin reer Iiraan ah oo faqiir ahi ay ku nool yihiin caasimadda,  dadkaas oo dhulka iska xigsiiya karaatoon ay soo gurteen ayaa waxaa ka mid ah ugu yaraan 3 kun oo dumar ah.