Saadaasha Cilmi Falagga Ee Dunida Iyo Sannadka 2017 Faaliyuhu waa beenaale xitaa marka uu run sheego (13)

0
524

Masar:

– Weerarro argagaxiso ayaa luli doona meelo badan oo dalka Masar ka mid ah, gaar ahaan deegaanka Siinaay.

Iiraan:

– Horumar badan oo dhinaca furfurnaanta maamulka ah iyo dumarka oo heli doona xorriyado dheeraad ah.

– Dalxiiska oo kor u kaca, gaar ahaan dadka xiisaynaya in ay soo arkaan goobaha diiniga ah ee dalkaas.

– Reer Galbeedka iyo Iiraan oo si isa soo taraysa isugu furfurmi doona, dad badan oo reer Yurub ahina Iiraan dalxiis u iman doonaan.

– Horumar dhinaca wax-soo-saarka warshadaha ah oo dalka Iiraan ka dhici doona. Waxa uu dalku samayn doonaa gaadiid kharashka ku baxayaa ka jaban yahay gaadiidka caadiga ah oo ku shaqaynaya tamarta qorraxda, koronto iyo shidaal wada jira.

Ruushka

– Ruushka oo saldigyo ciidan ka samaysan doona dhulal badan oo hor leh, iskuna ballaadhin doona dhinaca badda, kadib marka uu codsiyo ka helo dawlado kala duwan oo ka dalbanaya in uu ka ilaaliyo kana caawiyo la dagaallanka argagaxisada, sida Ciraaq, Masar iyo Liibiya.

– Culays dhaqaale oo uu Ruushku saari doono dalalka uu u arko in ay ka soo horjeedaan.

– Ruushka oo horumar dhaqaale oo fiican samayn doona, xidhiidho ganacsi oo muhiim ahna la geli doona dalal muhiim ah.

– Hubka Ruushka oo noqon doona xiddigga loogu iibsiga badan yahay sayladaha iibka hubka ee dunida, iyo dalal kla duwan oo dalban doona  hubkaas in uu Ruushku ka iibiyo.

– Xidhiidhka Ruushka iyo Turkiga oo noqon doona mid baaxa degaya oo u dhexeeya xumaanshiyo iyo wanaag. Taasina ay saamayn ku yeelan doonto dhaqaalaha Turkiga gaar ahaan dhinaca dalxiiska, sidoo kale Ruushku waxa uu taageeri doonaa in xuduudka Suuriya iyo Turkiga ay ka dhalato dawlad maamul hoosaad Suuriya ah oo ay leeyihin Kurdiyiintu, arrintaas oo ay Turkigu aad uga soo horjeedaan, samaysankeeduna khatar ku yahay amniga qarankooda. Arrimahan oo is biirsaday waxa ay sababi doonaan hoos u dhaca shacbiydda Erdogan.

– Dhaqaalaha Ruushka oo aad kor ugu kici doona iyo lacagtiisa oo dunida qiimo sareku yaalan doonta.

Misheel Xaayik: Boqor Salmaan oo xukunka ka tegeya,Mursi oo Xabsiga ka soo baxaya,iyo Masar iyo Qatar oo heshiinaya

Mar labaad aynu ku noqonno Misheel Xayik iyo saadaashiisii muranka iyo doodda dhalisay ee sannadkan 2017.

– Sannadkan waxaa xabsiga laga sii deynayaa madaxweynihii la afgambiyey ee dalka Masar, Maxamed Maxamed Mursi. Misheel Xaayik oo u warramay talefishanka Mtv waxa uu ku andacoonayaa in sababta sii deynta Mursi ay tahay go’aan aan dabicii ahayn oo si aan hore uga dhicin dalkaas ku iman doona. Dhinaca kalana Xaayik waxa uu sheegay in madaxweynaha Masar Cabdifataax Siisi ay ku iman doonto xaalad caafimaadkiisa la xidhiidha, “Dhakhaatiir badan ayaa ku ururi doonta. Lakiin waa uu badbaadayaa” ayaa uu yidhi.

Boqor Salmaan: Xaayik waxa uu sheegayaa in boqor Salmaanka dalka Sucuudigu uu sanndkan ka degi doono xukunka dalka Sucuudiga.

Dhinaca xidhiidhka dawladaha Carabta marka la jaleecana waxa uu filayaa in uu dib u soo noqo doono xidhiidhkii fiicnaa ee Masar iyo Sucuudiga oo muddooyinkii u dambeeyey aan fiicnayn, iyo in Masar iyo Qatar xidhiidhkooda laga dareemi doono ka soo rayn badan, kadib markii uu xumaaday afgembigii lagu sameeyey madaxweyne Mursi kadib.

Suurtogalnimada in fashilaadi ku timaaddo dadaalka muddooyinkii u dambeeyey uu waday ku-xigeenka dhaxalsugaha Sucuudiga ee ah in dalkiisa uu u sameeyo ilo kala duwan oo uu dhaqaaluhu ka soo baxo, halka imika Shidaalka oo keliya uu kaga tiirsan yahay, taasina ay khatar ku tahay xasiloonida dhaqaaleee dalka.

Amiir Maxamed Bin Salam sababta ugu weyn ee qorshihiisu u fashilmi doono ayaa ah dhaqaale xumo dalka ku dhacda shidaalka  aadka u jabay awgeed, oo caqabad ku noqon doonta helidd dhaqaalaha uu ku suurtogelin kari lahaa himilada  dalkiisa.

Waxaa intaas dheer saadaalo kale oo qaba in boqor Salmaan maruu xukunka ka tago, sidoo kalana wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan laga qaadi doono xilka ku-xigeenka dhaxalsugaha.

Laakiin dhinaca milateriga waxa uu Sucuudigu samayn doonaa horumar badan, gaar ahaan marka ay soo baxdo in ay aad hoos ugu dhacday awooddii uu Maraykanku ku lahaan jiray Bariga dhexe, waxa aanay saadaashu tahay in Sucuudigu uu horumarin doono awoodihiisa dhinaca Nukliyeerka.

Buu Tafliiqa:

Madaxweynaha xaaladdiisa caafimaad culustay ee dalka Aljeeriya Cabdalcasiis Buu Tafliiqa ayaa uu Xaayik saadalinayaa in uu sannadkan geeriyoon doono.

Patrick Moore:

Patrick Moore oo ah khabiir cilmifalagga caan ku ah oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa isna saadaashiisa sannadka 2017ka ku sheegay arrimo ay ka mid tahay in In Erdogan ay ka gacan sarrayn doonaan kooxo hubaysan oo Kurdiyiin ah lagana yaabo in ay dilaan.

La soco……………..