Facebook Oo Samaysay Barnaamij Soo Qabanaya Akoon / Xisaab Kasta Oo Lagu Furto Magacaaga Ama Sawirkaaga Ku Yaalla Profile Kaaga

0
522

1Washington (Geeska)- Shirkadda Facebook ayaa samaysay barnaamij cusub oo macaamiisheeda ka ilaalinaya in dad iyaga iska dhigaya oo adeegsanaya magacooda ama sawirradoodu ay xisaab kale oo Facebook ah furtaan. Barnaamijkan cusub ee barkulanka bulsho ee dunida loogu isticmaalka badan yahay ku shaqaynaya ayaa haddii uu dareemo inqof kale uu xaday sawirka macmiilka u yaalla facebook ama magaciisaoo kale la baxay si uu ugu samaysto akoon facebook oo cusub, waxa uu markaba farriin digniin ah u soo dirayaa macmiilka.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Aljazeera ayaa sheegaya in ugu dhowaan boqolkiiba 75 dadka akoonnada / bogagga ku leh Facebook ay heleen barnaamijkan cusub oo toos u qofka uga digaya in qof kale uu isku dayayo in uu samaysto akoon la magac ah ama sawirkiisa loo adeegsaday.

Barnaamijkan aya marka uu qabto akoonka been abuurka ah ee la samaysanayo waxa uu markaba farriin digniin ah u soo dirayaa qofka akoonka asalka ah ee loo ekeysiinayo kan cusub, kadib waxaa digniin loo dirayaa kooxda ammaanka u qaabilsan Facebook oo akoonkaas cusub tirtiraysa. Madaxa ammaanka iyo badqabka caalamiga ah ee Facebook Antigone Davis ayaa isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu sheegay in ay yar tahay khiyaamada akoonnada dadka la isugu ekeysiiyo, waxa se uu sheegay in mararka qaar ku dhacdo dumarka qaar oo ay ku hayso warwar joogto ah, “In Akoonka mid loo ekeysiiyey la samaystaa waxa ay warwar ku haysaa dumarka qaarkood, gaar ahaan deegaanno ka mid ah dunida oo arrintan fool xumadeedu ku xanuun badan tahay sababo la xidhiidha dhaqanka iyo caadooyinka bulshada” ayaa uu yidhi Davis.

Barnaamijkani ma’aha mid macmiilka ku qasbaya in uu sugo inta masuuliyiinta ammaanka ee Facebook ay ogaanayaan in cidi isku dayeyso in akoonkiisa samaysato ama sawirkiisa adeegsato, balse mar kasta oo uu ogaado in ay jirto  cid akoonkiisa Facebook oo kale isticmaalaysa ama xogo uu leeyahay ku furatay akoonka sida cinwaankiisa Email ka, magaciisa, iyo xitaa magaca shirkaddiisa, ama haayaddiisa,waxa uu si toos ah u wargelinayaa kooxda ammaanka isaga oo u maraya keliya in uu booqdo bogga caawimada ee Facebook.