Kuuriyada Woqooyi Oo 30 Daqiiqo Ka Jartay Tirsigii Waqtigeeda, Kuna Noqotay Saacaddii Dalkaas Ee 1910kii

0
542

Dalka Koonfurta Kuuriya aya bilaabay in uu isbeddel ku sameeyo hab-tirsiga saacadaha dalkaas, wax ka beddelkaas saacadaha dalka oo lagu soo beegay xuska sannad guuradii Toddobaatanaad ee maalintii uu dalkaasi ka xoroobay dalka Jabaan oo ahayd dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka. Dalka kuuriyada Woqooyi waxa ay isku waqti yihiin dalalka Jabaan iyo Kuuriyada Koonfureed,  waxa aanay halbeegga saacadeed ee Greenwich ka horreeyeen 9 saacadood, laakiin laga bilaabo 15ka Bishan Ogos saacadda dalkani waxa ay dalalkaas ku xeeran ka dambayn doontaa 30 daqiiqo oo dib loo dhigay.

Wakaaladda wararka ee dalka Kuuriyada Woqooyi aya sheegtay in gumaystihii Jabaan xilligii uu dalkaas haystay uu sannadkii 1910 kii beddelay waqtigii caadiga ahaa ee dalkaas iyo Koonfurtiisa ay kala go’een oo uu 30 daqiiqo hore u dhaqaajiyey si ay isugu mid noqdaan dalka Jabaan. Dhinaca kalana dalka Kuuriyada Koonfureed ee a dalkan kala go’een oo xurguf siyaasiya oo adagi dhex taallo ayaa durbadiiba cabasho ka muujiyey wax ka beddelka waqtigaas, isaga oo taas sababeeyey khalkhal ay ku keeni doonto goobaha shaqo ee ay labada dal wada leeyihiin ee ay shaqaalaha labada dhinacba ka hawlgalaan, waxaana ka mid ah warshadaha lagu magacaabo Kaesong oo ku yaalla Kuuriyada Woqooyi laakiin ay labada dal wada maamulaan.

Dunidu kama jirto haayad caalamiya oo iyadu jaangoyska saacadda ay dalalku tirsanayaan, balse dawlad kastaa iyada ayaa u madax bannaan waqtiga ay tirsanayso iyo sida ay u tirsanayso, sannadkii 2011kiina dalka Samoa Island ayaa waqtigiisa wax ka beddel ku sameeyey, waxa aanay meesha ka saaren maalin dhamaystiran oo sannadkaas ahayd, si ay ugu guuraan tirsiga dhinaca galbeedka, taas oo ay ujeedadeedu ahayd in la fududeeyo xidhiidhka ay jasiiraddani la leedahay dalalka deriska la’ a ee Australia iyo New Zealand. Sidoo kale sannadkii 2007dii, dalka Venezuela ayaa saacad badhkeed waqtigiisa dib u soo celiyey, kadib markii madaxeynihii xilligaas ee  Hugo Chavez uu sheegay in uu doonayo in “Saami cadaalad ah ay dadka dalkaas joogaa ka helaan qorraxda”