Beer Iyo Ceel Biyood Uu Lahaa Asxaabigii Weynaa Ee Cusmaan Bin Cafaan (R.C) Oo Weli Shaqeeya Iyo Sida Loo Maamulo Hantidan Oo Uu Waqafka U Bixiyey (Q:1)

0
649

Maddiina (Geeska)- Akhriste ma’og tahay in asxaabigii weynaa ee Cusmaan Bin Cafaan oo ahaa Amiirkii (Khaliifkii) Saddexaad ee Muslimiinta nebiga dambadii hoggaamiyey, laba hablood oo uu dhalay Nebi Muxammed (SCW) la isugu xigsiisamay, isla markaana ka mid ahaa tobankii ruux ee iyaga oo nool jannada loogu bishaareeyey, in uu maanta weli xisaab (Akoon) ku leeyahay mid ka mid ah bangiyada Sucuudiga iyo in beer uu lahaa ay weli beeran tahay oo ay leedahay wax-soo-saar dhaqaale badan ka soo baxo.

Geeska Afrika waxa uu akhristayaashiisa la wadaagayaa qiso uu afsoomaali u rogay oo ka waramaysa ceel uu asxaabigaa weyni lahaa oo muddadaa dheer illaa imika aan gudhin iyo beer uu ceelku ku dhex yaallay iyo sida ay dawladda Sucuudigu u maamusho

Taariikhda ceelka:

Sida ku cad taariikhda Islaamka markii Nebiga iyo asxaabtiisu ay ka soo haajireen Makah oo lagu dhibaateeyey waxaa aad u korodhay tirada muslimiintii ku noolayd Maddiinah oo marka horeba ay dhibaato dhinaca biyo yaraanta ahi ka jirtay, waxaana kor u sii kacay baahidii biyaha loo qabay.

Maddiinah waxaa ku yaallay ceel ka mid ah ceelasha ugu waaweyn uguna biyaha badan magaalada oo ah kan ugu muhiimsan ee magaaladu biyaha ka hesho. Laakiin ceelkan waxaa iska lahaa nin Yuhuudi ahaa, oo si aad ah uga faa’idaysan jiray iibka biyaha ceelkan isaga oo aan wax naxariis ah u gelin dadka deegaanka Maddiina.

Cusmaan Bin Cafaan oo ahaa maalqabeen weyn oo ganacsiyo leh ayaa ogaaday in ceelkaas biyihiisu lagama maarmaan yihiin ninka lihina uu dadka aad u dhibaateeyey, gaar ahaan markii Islaamku ku soo xoogaystay magaalada Barakaysan ee Maddiinah oo uu sii adkeeyey hab-macaamilkiisii, waxa uu u tegey ninkii Yuhuudiga ahaa waxa aanu ka codsaday in uu lacag aad u badan ceelkaas ka siiyo. In kasta oo lacagta uu Cusmaan Bin Cafaan Yuhuudigan u sheegay ay ahayd mid aad u badan oo si kasta oo uu biyaha u iibiyo aanu ka filayn in uu ceelkan ka helo, haddana bilowgii Yuhuudugu waa uu diiday iibka ceelkiisa, aakhirkii Yuhuudigii iyo Cusmaan Bin Cafaan oo muddo ku soo noq-noqonayey marba marka ka dambaysana lacagta uu iibka ku doonayo sii kordhinayey, waxa ay isla garteen in ceelkaas kala badh ahaan uu Cusmaan lacag aad u badan lahaado, kala badhka kalana uu lahaado Yuhuudigu. Taas oo macnaheedu yahay in Yuhuudigu lacagtaas badan qaato laakiin haddana ceelku aanu ka wada farobixin ee ay Cusmaan si siman u wada yeeshaan.

Maadaama oo ceelkii hadda ay wada yeesheen Cusmaan Bin Cafaan iyo ninkan Yuhuudiga ahi, sida keliya ee ay ku wadaagi karaan waxa ay noqotay in ay ku kaltamaan biyihiisa oo maalinba midkood lahaado, wixii uu ka dhaamin karana ka dhaansado.

Sida taariikhda ku xusan ninka Yuhuudiga ahi waxa uu ogaa in Cusmaan Bin Cafaan uu ahaa ganacsade aad xariif ugu ah baayac-mushtarka, sidaa awgeed maadaama oo uu lacagtaas badan ka bixiyey ceelkan, waxa uu filayey in Cusmaan Bin Cafaan uu biyaha ceelkan ku iibin doono lacag ka badan tan laga cabanayo ee uu isagu ku iibiyo, si ugu yaraan ay lacagtii wax uun uga soo noqdaan. La soco…