20 Shay Oo Haddii Aad Samayso Marka Aad 30 Jir Tahay, Noloshaada Wanaajin Doona Marka Aad 50 Gaadho (Q:5)

0
612

Hargeysa (Geeska)- Waa Qaybtii Shanaad uguna dambaysay qormadii uu Geeska Afrika soo turjumay ee qoraaga lagu magacaabo Beth Buczynski kaga waramayey arrimo ay fiican tahay in uu qofku qabto inta aanu 50 jir gaadhin. Qoraagu waxa uu jilayaa xaaladda dad markii ay 30 jir ahaayeen samayn jiray arrimahan uu ka digayo oo uu soo waraystay iyaga oo hadda markii ay 50 iyo ka weyn gaadheen aad u qoomamaynaya.

18. Haddii aad maanta niyaddaada gelisay dhammaadkaagii soo dhow yahay 50 jirka maxaa aad ku gaadhi?

“Maalinta aad isu aragto in jidhkaagii bilaabay in uu muujiyo caalamadaha gabowga iyo dhammaadka, ayaa kugu dambaysa in aad farxad iyo qosol niyadda ah ku dammaashaaddo, ama in aad isku daydo in aad farxad geliso dadka kugu xeeran” Waa in aad mar kasta niyaddaada xoojisaa si adiga oo xooggan aad u gaadho da’da 50 jirka.

19. Xusuus-qor yeelo:

“Waxa aad illaawi doontaa qaar badan oo ka mid ah xusuusahaagii quruxda badnaa” in aad qoraal geliso dhacdo kasta oo xiise kuu lihi waxa ay kaa caawinaysaa in aad mustaqbalka ka dhigato maaweelo, mustaqbalkaagana ku noolayso. Kombiyuutarkaaga ayaa hawshaas si fudud kuugu qaban kara, qoraalkuna waa shayga keliya ee aan guunka noqon. Waxaa laga yaabaa in qoraalkaaga maantu uu jacayl kuu geliyo ubadkaaga iyo tafiirtoodaba.

20. Saaxiibbadaa ka dayacin:

“Ha u daymo la’aan saaxiibbada aad og tahay in aad mar kasta xaalkii ugu fiicnaa ku jirto, saaxiibbada talada iyo tusaalaha kula garab taagan, kuwa ku hoga tusaaleeya ee aad warkooda xiisayso, sirtaadana ku aamini karto” Ha illaawin saaxiibkaa, la qosol, waqti aad la sheekaysato u same, ka shaqee guushiisa iyo wanaaggiisa, gacanna ku lahow sidii noloshiisu u wanaagsanaan lahayd, ugu yaraan toddobaad kasta xidhiidh ama kulan la yeelo. Dhammaad.