Kuuriya Oo Soo Bandhigtay Muuqaal Gantaal Burburinaya Aqalka Cad Ee Maraykanka

0
521

 

Picture2Kuuriya (Geeska/DM)- Ciidamada milateriga kuuriya ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya gantaal burburin kara Aqalka Cad ee Maraykanka oo dhiirigelinaya shacabkooda, waxaana la geliyay mareegaha netka.

Muuqaalkan shakiga keenay oo la geliyey mareeg xukuumada Kuuriya leedahay lana yidhaahdo Uriminzokkiri, ayaa ciwaan looga dhigay “Aqalka Cad oo aaladaha araga ee Kuuriya qabteen.”

"Badhtanka gurigaasi waxuu noqday mid ay gaadhayaan shiishka gantaalaha atoomiga,”

Muuqaalkan ayaa lagu sheegay inuu ka mid yahay olole xukuumadu uu hogaamiyo Kim Jong-un, todobaadyadii u dambeeyey ugu hanjabaysay Maraykanka inay gantaalo ku weerari doonaan kaga jawaabayaan cunaqabataynta Maraykanka. 

Waxay sidoo kale ku hanjabeen inay weerari doonaan dhoolatuska ciidamada labada wadan ee South Kuuriya iyo Maraykanka, ooy ku tilmaameen u diyaargarow dagaal.

Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Chuck Hagel ayaa todobaadkii la dhaafay sheegay inay qorshaynayaan ku rakibaada 14 xabo oo dheeraad ah qalabka celiya gantaalaha dalka Maraykanka, ka dib halista soo kordhaysa ee kaga imanaysa Kuuriya awgeed.