Guddoomiyaha Baanka Oo Ka Hadlay Sicir Bararka Iyo Qiimaha Quutal Daruuriga Kor U Kacay

0
512

 

8Hargeysa(Geeska)-Guddomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi, ayaa markii u horaysay ka hadlay sicir bararka lacagta Dollarka iyo weliba qiimaha kor u kacay ee quutal daruuriga. Suuqyda dalka, gaar ahaan caasimadda Hargeysa waxa si weyn looga dareemayaa sicir barar isugu jira qiimaha Dollarka iyo quutal daruuriga. Xataa waxa suuqyada kor uga kacday Roodhida oo ah cuntooyinka aan inta badan qiimahoodu isbedelin.

Mr. Dirir, oo shalay saxaafadda u waramay, wuxuu sheegay in sicir bararka lacagaha iyo maceeshada ay dhawr arrimood sabab u yihiin, “waxay ku xidhan tahay hoos u dhiciisa iyo kor u kiciisu lacagta ku jirta Suuqa oo marka ay Somaliland Suuqa ka yaraato qiimay yeelataa oo Doolarka ayaa hoos u dhaca marka ay ku badatana qiimaheeda ayaa hoos u dhaca oo Dollarka ayaa kaca. Ta kale dhaqdhaqaaqa dhoofka Xoolaha oo marka aynu xoolo dhoofinayno waxa soo bata Dollarka  oo qiimihiisa ayaa hoos u dhaca, imika xoolo ma dhoofinayno Doolarku wuu yar yahay taasaa keenta nuu  kor u kaco.”

Isagoo ka hadlayay dhaqdhaqaaqa Dekedda Berbera sida ay saamaynta ugu yeelato Sarrifka iyo Sicir bararka waxa uu yidhi “ Dekedda dhaqdhaqaaqeeda ayay iyana ku xidhan tahay oo badeecado marka ay ka soo degayaan waxa Suuqa soo gala lacag Dollar ah oo la sarifo oo lagu soo cashuuro markaa qiimaha Doolarka ayaa jaba.”

Md. Dirir, wuxuu sheegay sabab kale, waxaanu yidhi “marka uu Dollarku dhaco iyo marka uu kacaba wuxuu abuuraa Sicir barar dadka dan yarta ah saameeya ganacsataduna qiimaha ma dhinto marka uu hoos u dhaco qiimaha Dolarku.”

Wuxuu sheegay inaanu dhaqdhaqaaq badani ka jirin dekedda Berbera, taas oo iyana uu sheegay inay mushkiladaha ka mid tahay. ” imika wax ma dhoofino Dekedda Berberana dhaqadhaqaaq hagaagsani kama jiro, markaas oo kale anagu waxaanu samaynaa suuqaanu lacag gelinaa si aanu ugu ilaalino” ayuu yidhi guddoomiyaha baanka dhexe.

Isagoo ka jawaabayay su’aal nuxurkeedu ahaa xal kale bal inay hayaan oo dhibaatadan lagu xakamayn karo, wuxuu yidhi  “Kulamo saddex geesood ah baa noo socda anaga wasaaradda, Maaliyadda iyo Guddida Dhaqaalaha waxaanan doonaynaa inaanu la nimaadno qorshe aanu ku dajino qiime rasmi ah oo Doolarka lagu sarrifo.”

Isagoo ka jawaabayay sababta ay baan ahaan u xakamayn kari la’yihiin dhibaatooyinkan, wuxuu ku jawaabay  “ anagu lacagta aanu haynaa waa Shiling Somaliland, Doolarka nimanka hayaa waa Sarriflayaasha, iyagaana Maamula, anagu waanu xakamayn karnaa laakiin Suuqeena iyo Ganacsigeenu waa Xor, taas baa saamayn ku yeelatay markaa anagu waa inaanu ku ilaalinaa uun.”

Su’aalaha kale ee la weydiiyay waxa ka mid ahayd inuu adeega Zaad saamayn ku leeyahay sicir bararkan, wuxuu yidhi  “ Zaad ku wax badan kuma keeni karo Sicirka Sarrifka, waa macquul inay siyaabo kale u keeni karo laakiin ma badna.”