Wasiirada La Doortay Ee Kenya Oo Loogu Baaqay Inay Xilalka Xukuumada Baneeyaan

0
572

 

Nairobi (Geeska/DN)- Madaxweynaha dalka Kenya Kibaki ayaa u soo jeediyey dhamaan wasiirada ka tirsan xukuumadiisa ee loo doortay jagooyin kala duwan doorashadii dhowaan dhacday inay isaga casilaan si degdeg ah xilalkii ay xukuumada ka hayeen.

Madaxweynaha ayaa sheegay isagoo raacaya hadalkii gudoomiyaha hay’ada Shaqaalaha, gudoomiyaha wakiilada iyo taladii xeer-ilaaliyaha guud dhamaan wasiirada iyo ku-xigeenadu degdeg ha isku casilaan.

“Si ay ugu fududaato inuu dhaariyo xoghayaha golaha Wakiilada, Badhasaabadu, aqalka Odeyaasha, wakiilada Dumarka, iyo xubnaha baarlamaanka ee la doortay waa inay degdeg isku casilaan.” Ayuu yidhi Mr Kimemia