Wasiiri Xirsi Iyo Baashe Cabdi Godane Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Hawlgalkii Lagu Qaaday Guriga Hogaamiyaha Al-Shabaab Hooyadii

0
595

fodaneHargeysa(Geeska)-Wargeyska The globe and Mail oo ka soo baxa dalka Kanada, ayaa warbixin dheer ka qoray hawlgalkii ay bishii hore ciidamada Booliska Somaliland ku qaadeen guriga ay degentahay hooyada dhashay hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane. Wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Wargeyska u sheegay inay xukuumadu dareen shaki ah qabtay balse ay weyday wax cadayn ah. Sidoo kalena Baashe Cabdi Godane oo ka mid ah qoyska reer Cabdi Godane, ayaa isna arrintan ka hadlay.

Wargeysku, wuxuu sheegay in toddoba baabuur oo kuwa ciidamada ahi ay goor duhur ah galeen guriga reer Cabdi Godane ee ku yaala magaalada Hargeysa, waxaanu intaas raaciyayin ciidamo daraasiin ah oo kala duwan ay ka soo daateen baabuurtaas, islamarkaana ay xidheen jidadka guriga dhinacyadiisa mara. Wargeysku, wuxuu sheegay in ujeedada ciidamadu ahayd raadinta hoggaamiyaha Al-Shabaab “Laakiin ciidamada Boolisku waxay xidheen laba ka mid ah walaalihii.” Ayuu yidhi wargeysku, waxaanu intaas raaciyay inay sidoo kale ciidamada Boolisku qaateen cajalado Video oo aroos. Masuuliyiinta xukuumada ayuu wargeysku sheegay inay ka soo xigteen inaanay guriga ka helin waxyaabo cadaynaya in hoggaamiyaha Al-Shabab uu xidhiidh la leeyahay qoyskiisa Hargeysa degen.

Wargeyska The Globe and Mail, wuxuu sheegay in hawlgalka ay ciidamada Boolisku ku qaadeen guriga reer Cabdi Godane, uu ka dambeeyay uun maalmo, ka dib markii uu uu kulan Washington ku dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo Wendy Sherman oo ah ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda, kaas oo ay kaga wada hadleen baahida loo qabo in Al-Shabaab lala dagaalamo, waxase ay jariiradu sheegtay ka sokow dalabkaas Maraykanka inaanay ciidamada Booliska Somaliland helin wax cadayn ah oo muujinaya inuu Axmed Cabdi Godane xidhiidh la leeyahay qoyskiisa Hargeysa, sida uu sheegay Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan. Wasiir Xirsi oo uu Wargeysku la kulmay ayaa yidhi, “Waanu shakisanayn, laakiin maanu helin cadayn” Waxaanu intaas raaciyay, “Waa inaad wax kasta hubisaa. Welina baadhitaannadii waanu wadnaa”

Weriyaha warbixinta diyaariyay wuxuu sheegay in laba wiil oo ay walaalo yihiin Axmed Cabdi Godane la xidhay toddobaadyo amaba bilo ka hor, iyadoon weli lagu xukumin dhibaatooyin ay ku jireen. Mid ka mid ah labadaas wiil oo lagu magacaabo Cali, waxa la xidhay ayay warbixintu sheegtay isla maalintii ay Boolisku weerareen guriga reer Cabdi Godane, halka Mukhtar oo isna ah wiilka labaad la xidhay bilo ka hor islamarkaana uu ku jiro weli xabsiga Hargeysa, sida uu wargeyska u sheegay Baashe Cabdi Godane oo isna ah walaal la dhashay Axmed Cabdi Godane.

Baashe Cabdi Godane, waa 54 jir bilaa camal ah, waxaanu sheegay inay hooyadii aad uga argagaxday booliska gurigeeda weeraray, waxaanu sheegay inuu hawlgalkaasi kaga tagay inay hadli kari weydo. Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali, ayaa mar kale wargeyska u sheegay inaan wax dembi ah lagu soo oogin cid ka mid ah xubnaha qoyska. isagaoo sheegay in xabsiga lagu hayn karo 90 maalmood xukun la’aan.

Qoyska reer Cabdi Godane, waxay wargeyskan u sheegeen inaanay wiilkooda, arag tan iyo sagaashamaadkii, waxaanu Baashe Cabdi Godane yidhi, “Haddii uu maamulku doonayo inuu qabto, si fudud ayay u heli karaan iyagoo kaashanaya sahanka reer galbeedka ee tiknoolajiyada ah. Ma garanayo meesha uu jeego, laakiin xataa aqalka cadi wuu ogyahay halka uu joogo.”

Baashe Cabdi Godane, wuxuu intaas raaciyay, “Lama lihin wax xidhiidh ah. Waa maxay sababta ay noo xidhayaan, ma garan karo. Had iyo goor way na baadhayaan annagoo ah bilaa dambi ah. Wax fikrad ah kama haysto Al-Shabaab, ama waxa ay qabanayaan amaba ay doonayaan.”

Baashe Cabdi Godane, wuxuu sheegay inaanu wax shaqo ah ka heli karin Somaliland sababtoo ah dadka shaqaalaha doonayaa waxay diidayaan inay qaataan maadaama oo ay isku qoys yihiin hoggaamiyaha Al-Shabaab, waxaanu sheegay inuu bilaa camal yahay tan iyo sannadkii 2007 oo uu ka soo noqday bariga dhexe oo uu shirkad dhisme kaga shaqayn jiray.

Xildhibaan Khadar Aadan Xuseen, oo ka mid ah Baarlamaanka oo uu isna Wargeysku la kulmay ayaa isna ka hadlay hawlgalka ciidamada Booliska oo uu tilmaamay inaanu ahayn mid qurux badnaa. “Si xun baa hawshaa loo galay” ayaa uu yidhi. Isaga oo intaas ku sii daray, “Ma filayo in ay jirto cid arrintaas ku faraxsani. Qofka kuma xidhi kartid keliya in uu la walaalo yahay qof kale.”