Kulan Dhex Maray Wasiir Xirsi Iyo Ibrahim-Dhegaweyne

0
513

2392809174_7094206f85Hargeysa(Geeska)-Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa la sheegay inuu habeen hore kulan gaar ah la yeeshay guddoomiyaha urur siyaasadeedka UDHIS Md. Ibrahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne) oo si weyn xukuumadda ugu eedeeyay inay ka dambaysay in ururkiisu ku hadho wejigii hore ee qiimaynta ururada siyaasadda.

Ibrahim-DhegaweyneKulankaas oo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay, ayaa waxa ay ilo xogogaali Geeska Afrika u sheegeen inuu la xidhiidhay tabashada Ibrahim Cabdillaahi Xuseen iyo weliba sidii loogu gogol xaadhi lahaa inuu kulan dhex maro Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Ibrahim-Dhegaweyne. Warku wuxuu intaas ku daray inuu kulankaas oo qaatay dhawr saacadood uu Ibrahim Dhegaweyne ku soo bandhigay daliilo uu sheegay inuu u hayo inay xukuumadu dabin u qoday ururkiisa si uu ugu hadho qiimaynta hore. Laakiin warku ma sheegin wax midho ah oo kulankaas ka soo baxay, balse wuxuu kulankani daba socdaa sida la sheegay kulan uu toddobaadkan guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, la yeeshay Ibrahim Dhegaweyne, inkastoo uu Muse Biixi sheegay inaanu hoggaamiyaha UDHIS kala hadlin arrimo la xidhiidha tabashada uu tirsanayo.

Md. Ibrahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), ayaa waraysi uu toddobaadkii hore siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu si ba’an ugu weeraray Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ugu baaqay inuu ku adkaysto jid uu sheegay inuu qaatay.