Wikileaks Iyo Bandhiga Talo Uu Madaxweynaha Kenya Siiyay Daahir Rayaale Si Ay Smaliland Uga Mid Noqoto Ururka Igad

0
514

Wikileaks-001Hargeysa(Geeska)-Warsidaha Wikileaks ayaa faafiyay tallo uu Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki siiyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, taas oo salka ku haysay sida ay Somaliland uga mid noqon karto urur goboleedka IGAD.

Taladan ayaa wuxuu Madaxweyne Mwai Kibaki ku siiyay Md. Daahir Rayaale Kaahin kulan dhawr sannadood ka hor ay ku yeesheen magaalada Nayrobi ee dalka Kenya. Inkastoo kulanka labada hoggaamiye uu dhawr sannadood ka hor qabsoomay, haddana waxa muhiim ah talada uu Madaxweynaha Kenya bixiyay iyo weliba sida uu diyaarka ugu ahaa inuu Somaliland ku garab istaago sidii ay dunida aqoonsi uga heli lahayd amaba ugu yaraan ay dalalka Afrika u xod xodan lahayd, waxaana sida warbixinta ku cad uu Madaxweynaha Kenya ka shaqeeyay sidii uu Madaxweyne Rayaale ula kulmi lahaa hoggaamiyayaal kale oo Afrikaan ah. “Waxuu [Kibaki] dhab ahaan  u muuqday nin wax la qaban kara, waxaanu tilmaamay in Somaliland ka shaqeyso sidii ay aqoonsi uga heli lahaayeen IGAD.” Ayay tidhi warbixinta oo ay qortay safaaradda Maraykanka ee Kenya, waxaanay intaas ku dartay, “Waxuu cadeeyey in xubinimada  IGAD looga baahan yahay keliya ogolaanshaha saddex wadan. Wadamada IGAD waxay albaabka u furayaan ka mid ahaanshaha xubinimada midowga Afrika, taasoo keeni doonta helitaanka xubinimada Qaramada Midoobay. Sababta wefdigu xilligan ugu soo socdaaleen Kenya ayaa ah sidii Kenya ula xidhiidhi lahayd wadamada u fududeynta sidii Somaliland kulamadaa ula yeelan lahayd.”

Madaxweynaha Kenya, wuxuu xilligaas sheegay inuu la xidhiidhi doono Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Mbeki si uu ugala hadlo inuu miiska soo dhigo qaddiyadda Somaliland marka la isugu yimaado shirka Midowga Afrika, “Sidoo kale, Somaliland ayaa la ogyahay xidhiidhka ka dhexeeya Koonfur Afrika, inkastoo la dareemi karo sida wadankaasi aanu u doonayn inuu ka talaabo dheereeyo wadamada kale Afrika. Sida uu sheegay Bryden, Madaxweyne Kibaki, agaa ogolaaday la xidhiidhka madaxweynaha Koonfur Afrika, Mbeki, isla markaana u soo bandhigay sida Kenya u taageeri doonto Koonfur Afrika hadii ay miiska soo dhigaan arrinka Somaliland shirka Midowga Afrika ku yeelan doono magaalada Banjul bisha July.” Ayay tidhi warbixintu.

Midhihii ka soo baxay kulankaas Madaxweynaha Kenya iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa waxa ka mid noqday inay Somaliland xafiis ka furato Nayrobi, Kenyana mid noociisa ah ka furato Hargeysa. “Xukuumada Kenya ayaa bilaabi doonta xidhiidho badan oo ay la yeelato Somaliland, oo ay ugu horeyso balaadhinta joogitaankooda Hargeysa, iyo u fududeynta sidii Somaliland xafiis uga furan lahayd Nayroobi.” Ayay tidhi warbixinta Wikileaks.

Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika, u sheegay in Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ka hor intii aanay doorashadii madaxtooyadu qabsoomin ku mashquulsanaa helitaanka saddexdaas wadan oo la sheegay inuu ugu yaraan laba ka mid ah helay kalsoonidooda.